U bood dhigaalka

Xildhibaan Idiris Dhakhtar: Wasiirada Waan Kusoo Celineynaa Ra’iisul Wasaaraha

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uusan wasiiradiisa aanu kusoo xulan aqoon iyo karti oo uu ka been sheegay, islamarkaana ay dib usoo celin doonaan wasiiradaasi waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Kheyre uu baal maray awood qeybsiga beelaha, islamarkaana uusan kala tashan soo magacaabista wasiirradiisa xildhibaannada golaha shacabka.

Waxa uu ku eedeeyay Ra’iisul wasaaraha inuu dad gaar ah la tashaday oo uu magacaabay dad ay saaxiibo yihiin, isaga oo hoosta ka xariiqay in aynaan ansixin doonin oo wax cod ah aysan siin doonin xukuumaddiisa.

Xildhibaan Dhakhtar ayaa sidoo kale tilmaamay in Ra’iisul wasaaraha uu ka been sheegay wasiirradiisa oo uu yiri waxaan ku soo xushay aqoon heer jaamacadeed islamarkaana qaarkood ay ay dugsi hoose iyo mid dhexe kaliya ka soo baxeen.

Sidoo kale mudanahan ayaa sheegay in xildhibaannada golaha shacabka ee diiddan xukuumaddan ay tiro ahaan gaarayaa 180 mudane oo uu sheegay iney kasoo horjeedaan magacaabista wasiiradaasi.

“Annaga waan kasoo horjeesannay, kaligeey ma ahan, 180 xildhibaan ayeey mareysaa in lagu soo celiyo wasiirada oo mooshin laga keeno, awood qeybsigii  ayuu ku xadgudbay, ma ahan nin kala yaqaano dadka, dad ay isla shaqeynayeen ayuu keensaday, annaga waan kasoo horjeednaa, ma ahan Ra’iisul wasaaraha nin yaqaano qabiilada iyo dadka, maalintii la dooranayey isaga cid diidday malahayn waana kusoo celineynaa, inta aan kusoo celin waxaan rabnaa inuu isaga ka tanaasulo” ayuu yiri Xildhibaanka.

“Ra’iisul wasaaraha hadalkiisa waxaa ku jiray in wasiirka noqonaya uu yahay mid jaamacad kasoo baxay, dadka uu magacaabay waxaa ku jira qof aan naqaanno oo aan waligiis iskuul la geyn oo aan waxbo akhrin karin, waxaa ku jira dad dugsi hoose iyo dhexe ka baxay, midda kale uu ku xadgudbay oo uu qarsan waayay sirtiisa waayo warbaahinta ayaaba sii daabacday kahor inta aanu soo magacaabin, waan kusoo celineynaa wasiirada waana u fadhinnaa” ayuu yiri xildhibaanka.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa 21-kii bishan magacaabay golahiisa wasiirada oo ka kooban 1 Ra’iisul wasaare ku xigeen, 26 wasiir, 26 wasiir ku xigeen iyo 15 wasiiru dowle.

Goobjoog News