U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Hadashay Dagaalka Caabudwaaq

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa sheegtay in ay ka xun yihiin dagaal beeleed ka soo cusboonaaday degmada Caabudwaaq.

Xildhibaan Bosteeyo Jaamac Cali oo saaka la hadashay Goobjoog News ayaa sheegtay in dagaal shalay dib uga dhacay Caabudwaaq oo sababay khasaare nafeed.

Waxa ay tilmaamtay in dadka wada deggan magaalada Caabudwaaq ay u direyso baaq nabadeed, waxayna ka hadashay dhanka kale abaaraha ka jira.

“Waan ka xumahay dagaalka ka socda Caabudwaaq, waxaan leeyahay hala joojiyo, farriin gaar ah ayaan u dirayaa wiilasha yaryar mustaqbalkiina ayaa ku baaba’aya, war dadkiina xoolihii waa ay ka la’deen abaar baa jirta oo waad ka war qabtaan, Ilaahey ha kala qaboojiyo” ayay tiri xildhibaan Boosteeyo.

Dhanka kale, Xildhibaan Booteeyo Jaamac ayaa sheegtay inay wadaan dadaallo nabadeed islamarkaana xildhibaannada qaar ay degaanka joogaan.

“Waxaan ku baaqayaa in dagaalka la joojiyo, odayaasha, dhallinyarada, cuqaasha iyo culumada waxaan leeyahay ka qeyb qaata sidii dagaalkaasi aafada noday loo baajin lahaa, waana ka xumahay in dadkayga ay qabiil qabiil isku dilaan” ayay sidoo kale tidhi xildhibaan Boosteeyo Jaamac.

Shalay ayay ahayd markii malleeshiyo beeleed hubeysan ay ku dagaallameen magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud halkaasoo dhowaan ay ka socotay waanwaan u dhaxeysa beelo walaalo ah.

Ilaa 6 qof ayaa ku dhimatey halka 7 kale ay ku dhaawacantay dagaal beeleed ka dhacay shalay Cabud-waaq.

Goobjoog News