U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug Oo Lagu Diley Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Askari ilaale ahaa ayaa lagu soo waramayaa in uu magaalada Muqdisho uu ku dilay Allaha u naxariistee xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo ka tirsanaa baarlamaanka maamulka Galmudug.

“Marxuum Xildhibaan Maxamed Cabdi, keligiisa ayaa gaariga waday, waxaa xabad ku riday askari ilaale ahaa” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay Xildhibaan Garaad Yusuf Maxamed oo isna ka tirsan xildhibaannada Galmudug.

Xildhibaan Garaad Yusuf Maxamed  waxaa uu sidoo kale sheegay in gaariga rasaasta furay la sheegay in uu lahaa Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, Marxuum Maxamed Cabdi waxaa lagu dilay isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Ilo xog-ogaal ah ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in askariga wax dilay uu ahaa ilaala Xildhibaan Maxamud Abuukaate oo ka tirsan golaha shacabka, wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in arrinta si kama’ah ku dhacday kadib markii marxuumka gaarigiisa uu gadaal uga dhuftay kan Abuukaate, Xildhibaan Maxamud Abuukaate ayaa la sheegayaa in  askarigii dilka geystay  iyo qorigiisaba uu ku wareejiyay C.I.D-da.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News