U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Hirshabelle Oo Eedeeyay Madaxweyne Cosoble

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa ku eedeeyay madaxweynaha maamulkaasi Cali C/laahi Cosoble in uusan baarlamaanku horkeenin heshiisyo dhowr ah iyo sidoo kale qorsheyaal socda.

Xildhibaan Cumar Maxamed Cumar oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in baarlamaanku ay xaq u leeyihiin in la horkeeno heshiisyada la xiriira dhaqaalaha, ciidanka iyo caafimaadka.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee loo baahnaa in baarlamaanka la horkeeno ayuu sheegay iney kamid yihiin qorsheyaasha dib u habeynta garoonka Cisaley iyo dekadda Ceelmacaan, sidoo kalena wuxuu tilmaamay xildhibaanka in muhiim ay ahayd iney ogaadaan waxyaabihii ay ka wada hadleen dowladda dhexe iyo Hirshabelle.

“Illaa hadda nalooma keeinin wax walbo oo qorshe ah islamarkaana uu wado madaxweynaha, waxaan maqalnay in dib u habeyn lagu sameyn doono garoonka Cisaley iyo sidoo kale dekadda Ceelmacaan, illaa hadda ma aragno cid wax inooga sheegta, marka annaga xaq ayaan u leenahay inaan helno xog walbo oo maamulka ah” ayuu yiri xilhibaanka.

Dhanka kale Xildhibaan Cumar ayaa sheegay in kulamadii kale ee baarlamaanka aysan qabsoomin oo aynaan hadda jirin shaqo baarlamaan oo ka socota magaalada Jowhar.

Goobjoog News