U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan K/galbeed oo Ka Hadlay Xilliga uu Furmayo Kalfadhiga 3-aad ee Golahooda

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdullaahi Isaaq Maxamuud oo ka tirsan baarlamaanka Konfurgalbeed ayaa sheegay in kalfadhiga saddexaad ee baarlamaankoodu uu u fumayo bisha Maarso ee sanadkan 2017.

Xildhibaanka oo wareysi gaar ah aan la yeelannay ayaa ka hadlay in kalfadhiga 3aad ee baarlamaanku uu furmayo bisha Maarso ee foodda inagu soo haysa, isagoo sheegay iney u xayirnaadaan doorashada:

“Kalfadhiga saddexaad ee baarlamaanka waxa uu furmi doonaa Maarso, baarlamaanku intii uu jiray shaqooyin badan ayuu qabtay, shaqooyinkii aan wadnaya waxaa naga soo dhexgalay doorashooyinka”.

Xildhibaanka ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay mudada sanadka iyo barka ah ee baarlamaankoodu shaqeynayo:

“Muddo Halsano iyo bar ah ayuu baarlamaanku shaqeynayaa, shaqooyinkii baarlamaanka waxaa soo dhexgalay doorashooyinka ee heer Federaal, shaqooyin badan ayuu soo qabtay, waxaa ka mid ah xeer-hoosaadka baarlamaanka, waxaa la ansixiyay sharciga maaliyadda, sharuucda hay’adda qorsheynta oo baarlamaanka la horkeenay oo uu ansixiyay”.

Si kastaba, baarlamaanka Konfurgalbeed oo ka kooban 149 xildhibaan ayaa waxaa la soo dhisay 19, Janaayo, 2015, waxay illaa hadda yeesheen Labo kalfadhi oo ay ku ansixiyeen dastuurka maamulka, xeer-hoosaadka golaha, sharciga garsoorka, arrimaha maamliyadda iyo miisaaniyad sanadeedka.

Goobjoog News