U bood dhigaalka

Xildhibaan Ku Dhaawacmay Qarax Maqribkii Caawa Ka Dhacay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maqribnimadii caawa waxaa lagu dhaawacay waqooyiga Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan ayaa dhaawaca uu soo gaaray markii qarax loogu xirey gaarigii uu watay.

Qaraxani oo mar qura laga maqlay waqooyiga Gaalkacyo ayaa goobta qaraxaasi uu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.

Dhaawaca xildhibaanka ka tirsan Puntland oo lagu dabiibayo isbitaalka waqooyi ee magaaladaasi ayaa la soo sheegayaa in warar kala duwan ay ka soo baxayaan xaaladdiisa caafimaad.

Wixii soo kordha dib kala soco

Goobjoog News