U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaan Ugu Baaqay Madaxweyne Farmaajo Qancinta Maamul Goboleedyada

Sheeko:Baarlamaanka

Mudane ka tirsan gollaha shacabka ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo u soo jeediyay inuu maamul goboleedyada ka qanciyo waxa ay tabanayaan.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in madaxweynaha lagaga baahan yahay in dowlad goboleedyada uu kala hadlo arrimaha siyaasadda si looga gudbo cabashada ay qabaan.

Wuxuu sheegay in tani ay dawo u noqoneyso in maamullada ay u hanqal taagaan meelo kale, islamarkaana ay siyaasadda gudaha iyo tan dibadda ee dalka ay xasilooni ku wajihi karayso.

Qaar kamid ah dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe khilaaf uu ka dhex aloolsnaa kaas oo ku qotama siyaasadda arrimaha dibadda cidda looga dambeeyo, waloow dowlad goboleedyadu qaar ku doodayaan in aan laga qeyb galin go’aanno siyaasadeed oo dowladdu iskeed u gaartay.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla ayaa sheegay in khilaafka lagaga gudbi karo in madaxweynaha uu la kulmo madaxda maamul goboleedyada.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News