U bood dhigaalka

Xildhibaan Xaawo: Aniga Iyo Seygeyga Waxaa Na Jir Dilay Ciidanka Dowladda

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Xaawo Yuusuf Axmed oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa  sheegtay in iyada iyo seygeeda ay ciidan ka tirsan dowladda Federaalka ku jir dileen Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Waxay sheegtay iyadoo la hadashay Goobjoog News, in gelinkii dambe ee shalay ay damacsanaayeen iney gaaraan hoygooda oo ku dhow halkaasi, balse loo diiday in wadadu maraan, taasina ay keentay in la dhibaateeyo waa sida ay hadalka u dhigtaye.

“Waxaan kusoo beegannay Isbaarada Sayidka Taalla, taasi oo gurigeyga in yar u jirta, waxaan la kulmay iyadoo gaadiidka la celinayo oo meel kale loo celinayo, waan is adkeeyay waxaan iri waxaan ahay xildhibaan gurigeygana waa kaas, markaan teesaraha lasoo baxayna waxaa la igu yiri kan ma shaqeynayo ee halkaasi kala bax, aflagaado iyo canaan kadib markii ay dhacday waxaan isku dayey inaan soo dego, ciidanka waxay isugu jireen kuwii meesha joogay iyo wiil dhallinyaro ah ciidan uu watay, Odaygeyga oo gaariga ii waday ayaa feer daaqadda looga bixiyey, Labadeenna waa nala jir dilay, albaabka gaarigayga ayaa la igu dhuftay, Timaha waa la i qabtay oo waa la i jiiday, wax ay noo reebteen malahan, waxaaba inooga sii darnaa waxaas oo dhan Aflagaadada ay inoo geysteen, qoryaha dhan ayaa nalagu soo foorariyey”

Xildhibaan Xaawo, ciidamada qalabka sida ayeey sheegtay in aysan wax ixtiraam ah u hayn xildhibaannada, waxayna ku baaqday in degdeg arrinkaasi wax looga qabto.

“Ciidamada qalabka sida wax ixtiraam ah inooma hayaan, xasaanaddeena ma arkaan, aniga kaligay ma ahan ee xildhibaanno badan ayeey tani ku dhacdaa, dhanka kale wadada waxaa la yiri waxaa loo xiray madaxweynaha, aniga miyaan xaq lahayn, muwaadin baan ahay, madaxweynaha anaa doortay, Ra’iisul wasaarahana anaa codkeyga siiyay, in nala jirdilo oo sidan naloo galo dacwo ayaan ka nahay, waxaan u madda u sheegayaa, dowladda iyo mas’uuliyiintana  u sheegayaa in xildhibaannada ay dalka ugu sarreeyaan oo ay leeyihiin xaq iyo xuquuq, mana qaadan doono in dameer lumay camal la igula dhaqmo, haddii aan degdeg wax looga qaban arrintan meel xun bay gaari doontaa, xaq uma lihi in wiil yar oo aan 20 gaarin i jir dilo, qoryaha 10-ka ah ee ay heestaan ciidanka meesha jooga waa kuwii la doonayey iney innaga nagu ilaaliyaan” ayeey hadalkeeda kusoo gabagabeysay xildhibaan Xaawo Yuusuf Axmed.

Laamaha ammaanka dowladda ee u qaabilsan gobolka Banaadir weli kama aanu hadal arrintaan, hase ahaatee ciidamada ayaa amniga adkeeya mararka qaar oo ay madaxda dalka Kormeerka sameeyaan.

Goobjoog News