U bood dhigaalka

Xildhibaan Xidig: Dad Mucaarad Ku Ah Farmaajo Ama Jawaari Ma Nihin

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha KMG ah ee madal la magac baxday “Horusocod” xildhibaan Cabdirashid Xidig ayaa maanta shir jaraa’id uu ku qabtay Muqdisho ka sheegay in kooxdiisa aaney aheyn madal mucaarad ku ah madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiyaha golaha shacabka Jawaari.

Xidig waxaa uu goobta ka sheegay mowqifka madasha “Mowqifka madasha horusocod waa madal siyaasadeed oo la doonayo in ay ku midoobaan Xildhibaannada labada aqal, sidoo kale bulshada Soomaaliyeed, aqoonyahannada, siyaasiyiinta, qurbojoogta, ganacsatada, saxaafadda, ciddii xubin ka noqoneysana ay u furan tahay”.

Mar uu ka hadlayey ujeedada loo sameeyay madasha horusocod waxaa uu yiri “Ujeedada ay tahay, dalka waxaa uu muddo dheer ku soo jiray 4.5 awood qeybsiga oo qaab qabili ah, taas oo muddo badan lagu soo dhaqmayey, qurshuhuna yahay in laga gudbo sida dastuurkeenu sheegayo, sida cutubka 2aad, qodobka 12aad, 18aad iyo 22aad..oo ka hadlaya in loo guuro axsaab, sida aad ogtihiin xildhibaannada waa in ay xisbi galaan 2 sano gudahood, oo xitaa xubinno waa weyn karaa”

Waxaa kale uu Xildhibaan Cabdirashiid ka hadlay in qorshahooda aanu ku jirin Mooshin “Qorshaha dhaw ee horusocod kuma jirto mooshin ka dhan madaxweynaha ama ra’siul wasaaraha…bisha July marka la gaaro shirweyne ayaa la qabanayaa, waxaana la soo bandhigayaa golaha dhexe”

Isla xisaabtan ayaa bilaabeynaa, wixii dalka ka socdo ee wanaagsan waa taagereynaa, waxaan tilmaameynaa wixii gaabis ah”ayuu intaasi raaciyay.

Isaga oo hadalkiisa ku soo gabagabeeyay “Waxaan rabnaa in aan cadeyno, Xildhibaannada waxa ay diyaar u yihiin isla xisaabtan, warka si xun ayaa loo fasiray, waxaan rabnaa in aan cadeyno ma nihin madal mucaarad…ma nihin dad mucaarad ku ah farmaajo ama Jawaari”

Waxaa isna goobta ka hadlay Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa

“Barnaamijka aan sameynay wax kale ma aha ee waa I diyaar garow sameyn ama dhismo xisbi, taas oo shuruud looga dhigay Xildhibaannada in labo sano gudahood uu ku biro xisbi, taas ayaa nagu qasabtaya in labo sano ka hor xisbi u diyaar-garowno..cid kasta waa u furan tahay xisbiga dadweynaha ganacsatada, ”

Dr. Cilmi Maxamed Nuur oo isna saxaafadda la hadlay waxaa uu sheegay “Soomaaliya waxaa ay u baahan tahay in qabiilka guurto”

Goobjoog News