U bood dhigaalka

Xildhibaannad Hirshabelle Oo Ka Laabtay Mooshinkii Ay Ka Keeneen Guddoomiyahooda

Sheeko:Dalka

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa dib uga laabtay mooshin dhowaan ay ka keeneen guddoomiyahooda Cismaan Barre Maxamed.

Xildhibaannada mooshinka ka keenay guddoomiye Cismaan ayaa tiro ahaan gaareye 39 mudane, iyaga oo shaqo joojin ku sameeyey guddoomiyaha, balse ay hadda sheegeen iney dib uga laabteen.

Wararku waxay sheegayaan in xildhibaannadan ay kulamo kala duwan la qaateen mas’uuliyiinta maamulkaasi kuwaa oo ka dhacay madaxtooyad Hirshabelle ee Jowhar.

C/lahi Maxamed Caddow oo kamid ah xildhibaannada mooshinka ka keenay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ayaa saxaafadda wuxuu u sheegay iney ka laabteed mooshinkooda kadib markii ay dib u eegeen xaaladda kala duwan ee uu ku shaqeeyo maamulkooda.

“Markii aan aragnay duruufaha adag ee ku shaqeeyo Horshabelle, waxaan garwaaqsannay iney haboontahay inaan dib ula laabanno mooshinkii ay saxiixeen 39 xildhibaan oo Horshabelle ah, waxayna isku raaceen iney dib usoo celiyaan mooshinkii ka dhanka ah guddoomiyaha Hirshabelle” ayuu yiri xildhibaanka.

Todobaadkii tagey ayaa xildhibaanadan waxay sheegeen iney shaqada ka fariisiiyeen guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle, islamarkaana ay ka gudbiyeen mooshin.

Goobjoog News