U bood dhigaalka

Xildhibaannada Galmudug Oo Galay Fasax Labo Bil Ah

Sheeko:Dalka

Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta galay fasax Labo bil ah, waxaana soo xirmay Kalfadhiggii Afaraad ee maamulkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa soo xiray Kalfadhiggan, isaga oo xildhibaannada kula dardaarmay iney isku aragti ka noqdaa wax walbo oo lagu hormarinayo Galmudug.

“Waxaa loo baahan yahay in mar walbo ay gacmaha is haystaan xildhibaannada Galmudug, sidoo kalena ka shaqeeyaan aayaha deegaannada Galmudug, shaqo badan ayaa idiin taalla Kalfadhiggiina 5-aad, sharciyo badan baa idiin yaalla inaad meelmarisaan” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo isna halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in haddii ay timaado mudada fasaxa ah shaqooyin muhiim ah la isugu yeeri doono xildhibaannada.

“Haddii ay timaado howlo degdeg ah Kalfadhi aan caadi ahayn ayaa la idiin kugu wici doonaa sida sharciga qabo, waxaana rajeynayaa in howlaha harsan aad si sharaf leh u gudan doontaan” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug.

Arbacadii lasoo dhaafay xildhibaannada baarlamaanka Galmudug ayaa doortay madaxweynaha cusub ee maamulkaasi.

Goobjoog News