Xildhibaannada Iyo Guddoonka Golaha Shacabka Oo Wada Xisaabtamaya

deg-deg

Warar ay Goobjoog News ka heshay golaha shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in maanta lagu wado in xarunta golaha shacabka uu ka dhaco kulan albaabada u xiran yihiin oo ay ku wada hadlayaan xildhibaannada golaha shacabka.

Qaar ka tirsan Xildhibaannada oo Goobjoog News la hadlay waxaa ay sheegayaan in kulan loogu magac daray “Lafo jibis” taas oo si toos ah ay Xildhibaannada iyo guddoonkooda su’aalo isku weydiin doonaan, isla markaana ka wada hadli doonaan murannada u dhaxeeya iyo sidii lagu xallin lahaa.

Kulankan waxaa uu imaanayaa maalmo kadib markii guddoonka golaha shacabka lagu eedeeyay in uu faragelin ku haayo laanta fulinta, qeyb ka yahay xulista xukuumadda soo socota iyo in uu baajiyo kulamada golaha shacabka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in golaha shacabka uu go’aan ka qaadan doono sida loo xallin karo haddii ay soo kala dhex gasho wax kala tabasho dhexdooda ah iyo haddii guddoonka ay tahay in sharciga u hoggaansamo.

Goobjoog News


error: Content is protected !!