U bood dhigaalka

Xildhibaannada Labada Aqal Oo Loogu Baaqay Wax Ka Qabashada Abaaraha Dalka

Sheeko:Dalka

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka maamulka Puntland Xuseen Yuusuf ayaa baaq u direy xilddhibaannada Labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo ku wajahan abaaraha guud ee dalka ka jira.

Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in xildhibaannada Labada aqal laga doonayo iney waqti yar kasoo dhigaan doorashada madaxweynaha si shacabka abaartu hayso loogu gurmado.

Xildhibaannada ayuu sheegay in waajib uu ka saaran yahay u gurmashada shacabka Soomaaliyeed ee abaartu daashatay, waxaana uu ku celceliyey in muhiim ay tahay garab istaagga dadkaasi.

“Ilaahay ha idiin ku duwo inaad soo dhistaan dowlad cadaalad ah oo dalkaan wax u qabata,  abaar baa ka jirta dalka oo dhan, waxaan idiin ku baaqayaa inaad soo dedejisaan doorashooyinka si wax loogu qabto shacabka abaartu hayso, xildhibaanno waxaan idiin leeyahay waxaa idinka saaran dadkaasi waajib” ayuu yiri guddoomiye ku xigeeenka.

Deegaanno badan oo kamid ah dalka waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxaana dadka ay u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh.

Goobjoog News