U bood dhigaalka

Xildhibaanno Labada Gole Ee Faderaalka Ah Oo Ku Sii Jeeda Cadaado

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ayaa saaka u duulay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.

Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) guddoomiye ku-xigeenka aqalka sare oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Galmudug u aadayaan sidii loogu heli lahaa xal siyaasadeed xiisaadda ka taagan.

“Waxaan Galmudug u tageynaa in Xal siyaasadeed loo helo  xiisadda iyo in hey’adaha ka jira maamulka ay ku shaqeeyaan qaab sharciga waafaqsan”.

Safarka siyaasiyiintan ayaa imaanaya saacado kadib markii Xildhibaanno kala taageersan labada garab ay xilal ka kala qaadeen madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug.

Wararka arrintan ku saabsan kala soco, Goobjoog News