U bood dhigaalka

Xiriirka Aadan Ogeyn Ee Farmaajo iyo Maryan Qaasim

Sheeko:Dalka

Dr. Maryan Qaasim Axmed, Wasiirkii gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda Federaalka ee maanta is-casishay, ma aheen wasiir la iska magacabay, ee haddii siyaasadda xulufo, garab iyo maslaxad taqaano haweeneydan ayaa cinwaan u aheyd, waayo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo kuma heysto xukuumaddan Xasan Kheyre qof uga dhaw Dr. Maryan.

Muddo sanad iyo bar la joogo ayey igu marti-qaaday hoygeeda magaalada Muqdisho, si aan ugala sheekeysto arrimaha siyaasadda, Banii’aadnimada iyo qaar kale oo kolkaas ay ku mashquulsaneed.

Marwo Qaasim inta ay ka hadleysay Taariikh Nololeedkeeda, magaca Farmaajo waxaa uu ahaa qofka ugu badan oo ay soo hadal-qaaddo.

Gabadhan ku dhalatay Baardheere, kuna soo bar-baartay Marka, in kasta oo horay uga soo shaqeysay jaamacadda Umadda, isbitaallo haweenka iyo dhallaanka ee dalalka Yemen iyo Holland, iyo Ingiriiska oo ay ka aheyd ”Learning Mentor” Laakin waxaa dadka Soomaaliyeed baray mudane Farmaajo isaga oo November 18, 2010 u magacaabay wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska, xilligaas uu ahaa ra’isul wasaarahii TFG-da.

2012: Dr. Maryan Qaasim Axmed waxaa ay guddoomiye ka noqotay  Xisbiga Tayo oo ah xisbi uu aasaay mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, xitaa markii ay jagada uga degtay, waxaa ay qeyb ka noqtay ololihiisa doorashada 2016.

4-tii sano ee la soo dhaafay Dr. Maryan Qaasim Axmed waxaa ay wasiir ka noqotay xukuumaddii Shirdoon 2012-kii, waxaa kale oo ka shaqeysay UNICEF iyo WHO illaa ay Xukuumaddii Cumar Cabdirashid ka aheyd la taliyaha arrimaha bulshada, Marwo Qaasim waxaa ay iigu dhaaratay  in aaney waligeed la shaqeyn, lana shaqeyn-doonin qof ka fiican Farmaajo.

Dhankiisa, mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo aan xisbiga Tayo kala sheekeystay inta aanu madaxweynaha noqon waxaa uu ii sheegay in Dr. Maryan Qaasim Axmed ay shaqo fiican ka qabatay xisbiga marka ay guddoomiyaha ka noqotay isaga oo intaa raaciyay in ay kaalin fiican ku laheyd in xisbiga ku fido magaalooyinka Oslo, Nairobi, Dhadhaab, Muqdisho, Boosaaso iyo meel kale.

Hadaba, Xiriirkaas dheer Farmaajo iyo Maryan Qaasim kadib, Maxaa keenay in maanta ay ka tagto shaqada fulinta iyada oo ka sheeganeysa qas iyo jaho-wareer, sida ay u sheegtay Goobjoog News.

“Hadda waxaan uga tagey xilkii aan hayey waxaa igu adkaatay duruufta shaqo, aniga hey’ad sida looga shaqeeyo ayaan aqaanaa, department dhisan ama wasaarad ha ahaato waan ka shaqeyn karaa, laakiin shaqada markii ay is barbaryaac tahay wax walbo isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneen madax wareer badan ayaa laga qaadayaa, xukuumadda waxaan ilaahay uga baryayaa iney horumar gaaraan, ma ihi qof mucaarad ah, dowladeeda mucaarad kuma ihi laakiin aniga duruuftaan is barbar yaaca ah wey igu adkaatay inaan ku shaqeeyo, aniga shaqsiyan waxaan doorbiday siyaasad inaan gacmaha kala baxo oo sidii kale aan bulshadeeda ugu shaqeyn jirey aan ugu shaqeeyo”.

Qaraxii Isgoyska Zoobe kadib Dr. Maryan Qaasim, waxaa ay warbaahinta u sheegtay in aaney ku farax-saneen sida loo maareynayo gargaarka la xiriirka dadka waxyeellada soo gaartay, waxaa jira guddiyaal badan oo arrimaha gargaar ah kuwaas oo ka garab shaqeeya wasaaradda.

Maanta markii aan la hadlayey waxaa ka muuqatay niyad-jab iyo caro, waxaa ay ka gaabsatay in sababta oo faah-faahsan ay ila wadaagto, Laakin su’aasha weli waa taagan tahay?

Waa wasiirkii 2aad ee xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre iska casila muddo bil iyo xoogaa ah, isna lama sheegin sababta.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,