U bood dhigaalka

Xiriirka Ganacsi Ee Ka Dhaxeeya Turkiga Iyo Africa Oo Gaaraya 67 Bilyan Doolar Sanadkii

Sheeko:Dalka

Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya wadaanka Suudaan Jamaaludiin ayaa waxa uu sheegay qiimaha ganacsi ee ka dhaxeeya Turkiga iyo qaaradda Africa in uu gaarayo 67 bilyan oo doolarka Maraykanka ah Sanadkii.

Hadalkaan ayaa waxa uu ka hor sheegay shirka xiriirka Africa iyo turkiga  oo lagu qabtay magaalada Khartuum ee caasimadda waddanka Suudaan, safiirka ayaa waxa uu sheegay in xiriirka ka dhaxeeya Turkiga iyo qaaradda Africa ay tahay midda ugu horreysa siyaasadda Turkiga.

Dhankiisa la taliyaha ra’iisulwasaaraha Turkiga,Cumar Faaruuq ayaa waxa uu sheegay in xiriirka ka dhaxeeya qaar ka mida wadamada Africa uu aad uga wanaagsan yahay xiriirka ka dhaxeeya Turkiga iyo wadamada Carabta.

Hadalka safiirka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli uu madaxweynaha Turkiga uu socdaal  ku tagay bishii Janaayo ee la soo dhaafay wadamada Tanzania, Mozambique, iyo Madagascar.

Goobjoog News