U bood dhigaalka

Xisbiga Daljir Oo Baaq u Diray Dhallinyarada Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Xisbiga Daljir  ayaa dhalinyarada Soomalaiyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dlakooda.

Xasan Xaaji Ibraahim, Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee xisbigaasi ayaa sheegay in dhallinyarada looga baahan yahay in dalkooda ay wax u bartaan si ay u anfacaan mustaqbalka, balse aaney naftooda halis ku gelin badaha, oo dhallinyaro badan naftooda ay ku waayeen.

Waxaa uu sheegay in iyaguna xisbigooda ay ku dedaali doonaan sidii dhallinyarada loo wacyi galin lahaa si aaney badaha u gelin.

“Cududii baad tihiin, mustaqbalkii wadanka ayaad tihiin haddii la dagaallamayo oo la dhimanayo Labada dhinacba waa dhallinyaro, annaga waad idiin shaqeyneynaa diyaar baan idiin nahay, tahriibka iska daaya, Afarta sano ee jaamacadda ku jirtaan inaad si weyn wax u barataan ayaa muhiim ah, Soomaali waxay ahaayeen boqortooyo gumeystihii kahor, waxay ahaayeen dad is xukuma oo dhaqankooda haysta, wadankaan cid u foofta maleh, dhallinyarada ayaa laga rabaa iney u foodaan”

Dadka Soomaaliyeed ayaa la sheegaa in ay u badan yihiin dhallinyaro, dalkuna waxa uu xilligaan u baahan yahay dhallinyaro u midowga ka shaqeynta horumarkiisa.

Goobjoog News