U bood dhigaalka

Xisbiga Wadajir Oo Dacweynaya Cid Walbo Oo Ku Lug Lahayd Weerarkii December, 2017 Lagu Qaaday Xafiiskooda Muqdisho

Sheeko:Dalka

Xisbiga Wadajir ayaa sheegay iney dacweyn doonaan cid walbo oo ku lug lahayd weerarkii December 18 2017, lagu qaaday xafiiskooda ku yaalla magaalada Muqdisho.

Sayid Cali oo ah xoghaya xisbiga Wadajir ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News ku sheegay in xeer ilaaliyaha, saraakiishii soo amray ciidankii weerarka ku qaaday xafiiskooda iyo cid walbo oo gadaal ka joogtay ay maxkamad ka dacweyne doonaan.

Wuxuu tilmaamay xoghayaha in illaa iyo hadda aanay dowladda baaritaan ka sameyn dhibkii loo geystay ka xisbi ahaan, sidaasi darteedna ay go’aansadeen iney dacwoodaan.

“Shirkeenna Jaraa’id waxaa uu ku saabsanaa inaan dabo galno dhibkii ka dhacay xarunta xisbiga oo muddo bil ku dhow jiitamayey welina wax baaritaan ah aan la sameynin dhanka dowladda wax xalna aan laga gaarin waanwaanta, saas darteed waxaa uu go’aansaday xisbiga inuu dacwoodo uu maxkamadda uu dacwo ka furo, waxaan ka dacwoonaynaa guud ahaan dadka aan ognahay inay howsha qeyb ka ahaayeen saraakiishii ciidanka ee meesha soo weeraray iyo dadkii ka kaalmeeyay dhanka sharciga sida xeer ilaalinta iyo dadkii isku xirka hoggaaminayey oo dhanka madaxtooyada ka socday, xisbigeena kaliya magaalada majoogo shaqadana waa ay wadaan xisbigeenu waxa xisbiyada kale ay wadaan wax ka duwan ma wadin,waxaan ka rajeyneynaa in sharciga la keeno dadkii howshaan ku lugta lahaa oo dadkii dhibku gaaray dadkoodiina dhintay iyo dadkii dhaawacmay iyo dadkii laftigooda ka badbaaday isku dayga in intaba ay helaan caddaalad oo dadkii dhibkaasi u geystay la xukumo” ayuu yiri Sayid Cali.

Dhanka kale, Sayid Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa sharci darro ku tilmaamay in kiiska C/raxmaan Cabdi Shakuur oo ah hoggaamiyaha xisbigooda ay dib u furto maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir.

“Hogaankeenna dacwadii waa uu soo maray waana la dacweeyay maxkamaddii marna waa la geeyay marna asiga ayaa tagay dacwadii annaga nagu socotay oo hogamiyaha xisbiga ku socotay waa ay soo dhammaatay qeybtii hore, qeybtaan dambe oo hadda gadaal laga furay waxaan aaminsannahay inaysan aheyn wax daliil heysta, maxaa yeelay tii hore go’aammadeedii ayaa meesha yaallo go’aammadaasna waxay dhigayeen inaan racfaan la qaadan karin” Sayid Cali ayaa sidaasi Goobjoog News u sheegay.

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeen saqdhexe 18 December waxay weerareen xafiiska xisbiga Wadajir oo uu ku sugnaa siyaasi C/raxmaan C/shakuur, waxaana halkaasi ku dhintey 6 kamid ah ilaalada Shakuur, isagana dhaawac ayaa soo gaaray.

Goobjoog News