U bood dhigaalka

Xisbiga Wadajir oo Dowladda Ku Eedeeyay Ku takri-fal Awoodeed, Musuq Iyo Faragelinta Garsoorka

Sheeko:Dalka

Qoraal uu Xisbiga Wadajir soo saaray axaddii , isla markaana la soo gaarsiiyay Goobjoog News ayuu ku eedeeyay dowladda federaalka ah  arrimo ay ka mid yihiin ku takri-fal awoodeed, musuq Iyo faragelinta Garsoorka.

ku takri-fal awoodeed:  

Xisbiga Wadajir waxaa uu dowladda  ku eedeeyay in ay sameeyeen ku takri-fal awoodeed kadib markii ay xireen wasiirkii hore ee qorsheynta, murashax madaxweyne 2016 iyo hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, in hey’adda NISA loo adeegsado caburintan mucaaradka iyo in guryaha Xildhibaannada  la baaro sharciyad la’aan iyada oo la iska indho-tirayo xasaanadda Xildhibaanka uu dastuurka siiyay.

Musuq Iyo Isticmaalka Warbaahinta

Xisbiga Wadajir waxaa uu sidoo kale dowladda ku eedeeyay in lacag siiso warbaahinta si ay u hesho taageeradooda  iyo si ay u caburiyaan mucaaradka, illaa 1000 dhalinyaro ah oo laga shaqaaleeyay baraha bulshada si ay u ammaanaan dowladda, mucaaradka u dhaliilaan, dhalinyaradaas oo xisbigu leeyahay waxaa biila Bangiga Adduunka, sidoo kale Wadajir waxuu sheegayaa in dowladda adeegsato  culimada iyo dhalinyarada kuwaas oo  lagu maalgeliyo lacagaha dowladda ay deeq ahaan u hesho iyo maskax sirdoon, Xisbiga Wadajir waxaa uu sidoo kale qoraalkan ku sheegay in dowladda ay illaa 100 Xildhibaan siiso mushaar gaar oo aan ku jirin miisaaniyadda dowladda.

Faragelinta Garsoorka:

Xisbiga Wadajir mar uu ka hadlayey cadaaladda iyo garsoorka, waxaa uu sheegay in cadaadis iyo faragelinta  ay dowladda ku heyso nidaamka cadaaladda dalka si ay u sameeyaan wax ka baxsan shuruucda, waxaa kale oo ay ku eedeeyeen adeegsiga Xeer-ilaaliyaha iyo hey’adda NISA si ay u sameeyaan xarig aan sharci aheyn iyo  shaqo ka ceyrinta ku-xigeenka 1aad ee Xeer-ilaaliyaha kadib markii uu ka horyimid danaha madaxweynaha.

Dowladda iyo dimoqoraadiyadda la soo dhisayey 10 sano ayey leeyihiin Wadajir waxaa hadda lagu hayaa weerar, arrintaasi waxaa ay sii xoojinayaan hadalkii ergeyga gaarka ah ee Q.M ee uu jeediyay sanadka kaas oo sheegay “Arrimahaas waxaa kamid ah musuqmaasuq baahsan, oo inta badan hareeya siyaasadda, iyo rabitaanka dadka ka dallaala awoodaha [siyaasadeed] oo ah inay colaad u adeegsadaan, ama colaad ugu hanjabaan dadka kasoo horjeeda. Waxaa kale oo arrimahaas kamid ah in la ixtiraami waayo Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah, sarreynta sharciga iyo xuquuqul insaanka. Waxyaabahaas oo dhan waxay u danaynayaan oo ka faa’iideysanaya xagjiriinta’

Ugu Dambeyntii, Xisbiga Waxaa uu Codsaday Labo Arrin:

  1.  Mareykanka,  European Union, UK Government, African Union, Amisom, Igad  iyo saxiibada Soomaaliya ayuu ka codsaday in ay kala hadlaan dowladda in ay ixtiraamto sharciga, dastuurka, xuquuqul insaanka, xuriyadda hadalka iyo in lacaga lagula xisaabtamo.
  2. Madaxda Xisbiga Wadajir waxaa ay raadinayaan abuukaatayaal ka soo jeeda Mareykanka iyo Norway  in lagala taliyo sidii dacwad ugu oogi lahaayeen muwaadin Maxamed Cabdullahi Farmaajo(Mareykanka) iyo muwaadin Xasan Cali Kheyre(Norwegian) oo ay ku eedeynayaan ku takri-fal awoodeed, xarig sharci-darro ah oo loo geystay hoggaamiyaha xisbiga , ku xad-gudub xuquuqdiisa aadanaha iyo dil sharci darro ah oo loo geystay 6 qof oo ilaaladiisa ah.

Goobjoog News