U bood dhigaalka

Xog Muhiim Ah: Maxaad U Baahantay Inaad Ogaato Si Aad Gaari Uga Soo Iibsato Shirkadaha Japan?

Sheeko:War

Iyada oo ay ugu wacantahay xaaladda dhaqaale ee Afrika, badankood dadka Afrika waxaa ay doorbidaan in ay iibsadaan gawaarida celiska ah; haddii dalka Japan ay kasoo iibsadaanna waqti badan ma geliyaan in ay iska hubiyaan qalabka gawaarida sababtoo ah dalkaas waxaa ay ku yaqaanaan tayada. Laakiin Africa qiimaha sheyga ayaa aad muhiim u ah oo sheyga raqiiska ah ayaa la-doorbidaa.

Sidaa darteed, xaataa haddii gawaari raqiis ah la-heli karo, waxaan jirin xiriir toos ah oo ka dhaxeeya shirkadaha gawaarida iibiya iyo dadka Afrika jooga ee gawaarida u baahan. Halkii xiriirkaa tooska ah uu jiri lahaa waxaa jira shaqsiyaad shirkadaha gawaarida u jooga wadamada Afrika oo isku-xira labada dhinac (waxaana suuro-gal ah in ay qiimaha kor-u-qaadaan).

Sababta dadka gawaarida u baahan ee Afrika aysan u garaneyn halka laga bilaabo iyo cidda ay la xiriirta si ay gaariga ay dooneyso u dalbato ayaa waxaa keenay xog yari. Sidaa darteed, qoraalkan waxuu dadkaa ka caawinayaa sidii ay ku heli-lahaayeen xog dhameystiran, weliba si bilaash ah.

Ugu horreyn, dadka Japan gawaarida cusub waxey kasoo iibsadaan dukaamada gawaarida lagu iibiyo. Waqti ayey isticmaalaan gawaarida, sida caadiga qofba siyaabo kala duwan ayuu u isticmaalaa. Muddo yar ama badan kadib waxaa dhacda in siyaabo kala duwan qofka uu doorbido inuu gaarigiisa iska iibiyo, badalo ama kireeyo.

Dadka reer Japan waxey gawaaridooda geeyaan dukaamada baabuurta lagu kireeyo haddii ay kiro u rabaan, haddii doonayaan in ay iibiyaanna waxey geeyaan dukaamada gawaarida la-isaga iibiyo ama waxa ay si toos ah u geyn karaan Suuqyada Naadada ee gawaarida.

Car Auction Market System

Dukaamadaas kala duwan ee iibiya gawaarida celiska ah ama lasoo isticmaalay waxey toos uga iibsadaad gawaarida dadka caadiga ah ee baabuurta iska-iibinaya iyo suuqa naadaada oo qofka ogol inuu bixiyo lacagta ugu badan uu iibsanayo gaariga, sida sawirka ka muuqata.

Shirkadaha World Lead Co., Ltd. iyo Mitsuoka Group ayaa kamid ah shirkadaha qaababkaas kusoo iibsada baabuurta celiska ah kadibna waxey kasii iibiyaan macaamiisha ama dadka ku kala sugan daafaha caalamka. Fursadda dadka Afrikaanka ah ay halkan ka heli-karaan ayaa ah in ay si toos ah ula xiriiraan shirkadahaas iyagoo website-yadooda booqanaya (shirkadaha Japan si dhaqsa ah ayey ugu soo jawaabaan suaalaha lasoo weydiiyo, aad ayey uga duwanyihiin shirkadaha Africa marka ay timaado ka jawaabidda farriimaha).

Yaa Daboolaya Xamaalka?

Qiimaha ku qoran webka shirkadda gawaarida iibisa kaliya waa qiimaha gaariga. Dhammaan qarashaadka la xiriira xamaalka, ceymiska, dib u qaabeynta iyo howlaha la xiriira soo-wareejinta kuma jiraan qiimaha ku xusan website-ka shirkadaha gawaarida ka ganacsada. Balse shirkadaha ka shaqeeya wax-soo-daabulidda ayaa howlahaa oo dhan qabta ama kuu qaban kara.

Shirkadda ECL Agency Ltd. waxey kamid tahay shirkadaha ugu caansan ee Japan kasoo qaada gawaarida horay loosoo isticmaalay ee dalkaas laga soo dhoofiyo. Shirkadahaas waxey qabtaan adeegyo kala duwan oo kasoo bilaabanaya marka uu qofka macmiilka ah gaariga iibsado iyo illaa uu gaariga kasoo gaarayo qofka iibsaday.

Balse aqbaarta fiican ayaan ah in aadan u baahneyn in aad ka walwasho shirkadahaas iyo sida ay u shaqeeyaan. Shirkadaha baabuurta iibiya iyo iyagaa heshiisyo kula jira oo iyaga ayaa wada macaamilaya. Sidaa darteed shirkadaha oo matalaya qofka gaariga iibsanaya ayaa heshiis la-gala shirkadahaas oo sidaas ayaa gaariga laguugu soo dirayaa. Kaliya waxa lagaa rabo in aad ogaato waa qiimaha kama dambeysta ah, qiimaha kama dambeysta ah waxaan kala jeedaa qiimaha gaariga oo lagu daray ceymiska iyo soo-dhoofinta, waxaana qiimahaas lagu magacaabaa CIF (Cost, Insurance, and Freight)

Noocyada Xamaal ee Laheli Karo

Waxa gawaarida qaaliga ka dhiga waa habka xamaal ee la adeegsaday. Guud ahaan, waxaa jira laba hab oo meelaha Japan ka baxsan gawaarida loogu xamaalo: waxaad gaarigaaga ku xamaalan kartaa konteenar ama Roll On, Roll Off (RORO). Habka RORO ayaa ah habka ugu raqiisan uguna fudud ee gawaarida loo daabulo.

Habkan ayaa ah in maraakiib lagu raro gawaarida kadibna lageeyo goobaha laga soo dalbaday. Caqabadda jirta ayaa ah in adeeggaan aanay suurogal aheyn in uu gaaro wadamada oo dhan sababtoo ah shirkadaha wax-daabula waxey u baahanyihiin in ay helaan dalab xooggan si ay u buuxiyaan markabka/maraakiibta.

Dakadaha ugu caansan ee ku yaalla Afrika ee habka RORO gawaarida loogu soo rari karo waxaa kamid ah Durban, Mombasa iyo Darusalam. Habkan aad ayuu raqiis ugu yahay Soomaalida haddii qaab transit ah ay u isticmaalaan dekedda Mombasa.

RORO Shipment Option. Source: Public Domain

Habka labaad waa in konteenar lasoo saaro gaariga, waana hab ka qaalisan RORO. Halkii konteenar waxuu qaadaa ugu badnaan lix gaari oo yaryar. Habkan waa mid ku adag hal-qof oo raba hal-gaari, sababtoo ah qarash badan ayaa kaga bixi doona. Balse haddii dhowr qof ay isla dalbadaan oo ay hal-konteenar wada isticmaalaan oo ay isla-qeybsadaan qarashka konteenarka habkan waxuu noqonayaa mid u jaban oo lamid ah RORO. Waxaa intaa usii dheer in gawaaridooda toos looga soo dajin doono dekedda Muqdisho, Berbera ama Kismayo.

Container Shipment Option Source: Public Domain

Hadaba waa sidaa hanaanka gawaarida celiska ah looga soo dhoofsado dalka Japan. Waan dareemi karaa in xogtan ay lacag ka qiimo badantahay, balse aniga nafteyda ayaa ah qof wax-iibsada waana dareemi karaa jaha-wareerka ay leedahay marka qofka wax-iibsanaya aanu haysan xog fiican oo nadiif ah.

Hadda wixii ka dambeeya shirkad ama qof kale oo na-gaadi kara ma jiro xog la’aan awgeed. Xogtu waa awood. Qoraalkan waxaan filayaa in uu awood siin doono ganacsatada iyo dadka Soomaaliyeed ee doonaya in ay gawaarida lasoo isticmaalay ama celiska ah kasoo iibsadaan dalka Japan.

W/Q: Maxamed Muuse Xasan,

Qoraaga, qormadan, waa arday waxbarashada darajada heerka 2aad (master-ka) ka diyaarinaya Jaamacadda Ritsumeikan Asia Pacific ee dalka Japan.