U bood dhigaalka

Xubnaha Aqalka Sare Ee Somaliland Oo La Laalayo

Sheeko:Dalka

Xubnaha Somaliland u matali lahaa aqalka sare ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa in la baabi’in doono oo doorashadooda ay meesha ka baxesyo, sida ay Goobjoog News u sheegeen ilo ku dhaw doorashada 2016-ka ee Soomaaliya.

Isha Goobjoog la hadashay waxaa ay sababta ku sheegtay in aqalka sare uu matalo maamullada dalka ka jira, isla markaana maamulka Somaliland aanu raali ka aheyn aqalka sare ee Soomaaliya halka beelaha waqooyi Soomaaliya dega ay ogol yihiin aqalka hoose oo lagu fariisanyo qaab beeleedka 4.5.

Dhinaca kale, waxaa Goobjoog la hadlay mas’uul ka tirsan guddiga doorashooyinka Somaliland oo ku sugan magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in ay maqleen hadal-heyntaas baabi’inta aqalka sare balse aaney arrinkaas dheg jalaq u siin doonin.

“Waxaa socda shirar ay leeyihiin siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in go’aan laga soo saaro arrinta aqalka sare saacadaha soo socda” ayuu intaa raaciyay.

Arrinta ku saabsan in meesha laga saaro aqalka sare ee Somaliland mar haddii aanu mataleyn maamul-ka Somaliland, waxaa uu mas’uulkan Goobjoog la hadashay sheegayaa in taasi ay meel ka dhac ku tahay dastuurka Soomaaliya, oo aaney suurogal aheyn in aqalka sare ee Soomaaliya uu ahaado 47 xubnood.

Somaliland waxaa ay aqalka sare ku leedahay 11 xubnood, mar hore ayey aheyd in ay soo gudbiyaan liiska, doorashadana ay qabtaan laakin muran iyo hadal ayey geliyeen go’aannada madasha, arrintaas oo laga yaabo in ciqaabteeda ay maraan.

Dhinaca kale, waxaa maanta Jowhar lagu caleemo saarayaa madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble, iyaddoo lagu wado in maalmaha soo socota uu soo gudbiyo liiska dadka ay maamulkaas u sharaxayaan aqalka sare.

Guddiga doorashada dadban waxaa ay sheegayaan in 65% la dhisay aqalka sare kadib markii la dhisay aqallada sare ee maamullada Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Puntland.

Dastuurka Soomaaliya iyo Aqalka Sare:

Aqalka sare:

Aqalka sare, waa aqal ka duwan aqalka baarlamaanka, waxaa uu leeyahay mas’uuliyado iyo shaqo loo igmaday, waxaana loo qeexi karaa aqalka sare sidan: 

Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalku wuxuu matalaa dawladaha xubinta ka ah dawladda federaalka

Aqalka sare waxaa uu Il-gaar ah ku fiirinayaa sharciyada ku saabsan maamul goboleedka uu matalo, iyo ilaalinta maslaxadda shacabka deegaankaas.

Aqalka sare, Waxaa ii isha ku heynayaa Lacagaha iyo Mashaariicda loogu talogalay dhismaha maamul goboleedka ay matalaan. 

Tirada Xubnaha Aqalka sare:

Tirada aqalka sare, waa ugu badnaan 54 Xildhibaan oo ka imaanaya 18kii gobol ee Soomaaliya lahayd ka hor 1991kii, iyada oo saldhig looga dhigayo:

(a)      Tirada Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka;

(b)      Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waxay Aqalka Sare ku yeelanayaan xubno tiro isle’eg ah.

(c)      Tirada guud ee xubnaha Golaha Aqalka Sare waa in ay matilaad isu dheellitiran ku yeeshaan dhammaan qaybaha bulshadu.