U bood dhigaalka

Xukuumadda Khayre Oo Kulankii Ugu Horreeyay Yeelatay, Abaaraha Iyo Ka Hortaga Musuqmaasuqa Ayaa Looga Hadlay

Sheeko:Dalka

Golaha wasiirrada federaalka ah oo maanta shirkii ugu horeeyey  ku yeeshay Muqdisho ayaa xoogga saaray gurmadka abaaraha iyo ka hortaga Musuqmaasuqa

Shirkan waxaa uu imaanayaa maalin uun kadib markii la ansxiyay xukuumadda, waxaana shir guddoomiye ka ahaa  Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre, kulankan waxaa uu ajendihiisa ka hor sheegay shalay golaha shacabka

Kulanka Ajendihiisa waxaa uu ahaa, Nidaamka iyo xeerararka shirarka Golaha, Diyaarinta xil la wareegida Wasiirada cusub, Qorshaha Xukuumadu ku shaqeyn doonto, Arrimaha Amniga iyo Abaaraha.

Ugu horeyn Ra’iisal Wasaaraha oo furay shirka ayaa ku wargeliyay Wasiirada in shacabku uga fadhiyo Xukuumada howl adag oo hufan, loona baahan yahay in laga dhabeeyo rajada shacabka. Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray golaha Wasiirada cusub inay buuxiyaan Foom ay ku cadeynayaan in xubin kasta oo ka mid ah golaha uu waajibkiisa u guto si daacad ah, Aamin ah, ayna soo bandhigaan macluumaad rasmi ah oo ku aaadan hantida gaarka ah, iyada oo la waafajinayo sharciga, si loo helo isla xisaabtan dhab ah.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku dheeraaday dhismaha Wasaaradda Gargaarka, wuxuuna xusay in xukuumadu muhiimad gaar ah siisay taakuleynta shacabka, isaga oo faray hay’addaha caalamiga, kuwa gudaha, hay’addaha dowliga, iyo dhamaamba shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan Wasaaradan, si loo gaarsiiyo shacabka abaaruhu aafeeyeen gurmadka ay u baahan yihiin.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa mar uu ka hadlayay Arrimaha Amniga dalka, waxa uu Golaha Wasiirada ku booriyay in awooda la isugu geeyo sugida amniga iyo xasilinta dalka, wuxuuna carabka ku adkeeyey in loo baahan yahay in la dejiyo Istaraatiijiyad Heer Qaran ah oo lagu hubinayo shaqada iyo Hufnaanta hay’addaha Amniga.

“Waxaan galnay marxalad cusub, waana inaan u diyaar garowno sidii shacabka loo gaarsiin lahaa, nabad, xasilooni iyo dib u heshiisiin” ayuu yiri R/wasaaraha oo ka hadlayay shirka Golaha”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaarahu.

Markii uu soo dhamaaday kulanka Golaha Wasiirada ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan.

Goobjoog News