U bood dhigaalka

Xukuumadda Oo Sheegtay Iney Xoojineyso Xiriirka Caalamiga Ah

Sheeko:Dalka

Guud ahaan marka laga hadlayo xiriirka caalamiga ah waa xiriir ka dhaxeeya dalalka xorta ah xiriirkaas oo noqon kara mid dhinacyo badan leh sida Siyaasadda, Dhaqaalaha, Ganacsiga bulsho ,Dhaqan, Ammaan, Difaac iyo sidoo kale is xulufeysiga go’aannada waaweyn ee caalamka.

Soomaaliya oo hadda ah dalk soo kabanayo waxaa ahmiyadda ugu horreyso ay tahay in dowladda cusub ay ka shaqeyso sidii dib loogu soo noolayn lahaa xiriirka caalamiga ah oo ay laleedahay dowladaha horumaray ee dunida.

Xiriirka caalamiga ah waxa uu keenayaa is dhexgal ballaaran sida uu aaminsanyahay Maxamed Cusmaan Aba Sheikh oo ah bare wax ka dhigo mid ka mida Jaamacadaha dalka .

“xiriiro badan ma jiraan iyo wado shaqeyn ka dhaxeysa dowladdii iyo dowladaha caalamka, haddii uu jira lahaa waxaa dhici lahaa in muwaadinka Soomaaliyeed xuquuqdiisa loo doodi lahaa, waxaa loo soo dhicin lahaa xaquuqdiisa qaarkood beeraha ayaa lagu fashaa waxaana ka mida wadamadaas Tansaaniya, Yeman ayaa ka mida, Sacuudiga ayaa ka mida waxay ku xiranyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed Liibiya, Masar iyo wadamo badan oo caalamka ka mida,dhammaan waxay la’yihiin dad u dooda waxay rabaan marka haddii xiriirka caalamiga ah la xoojiyo dhammaan dadkaas oo dhan waxay noqonayaan dad uu safiirka si fudu uu ugu doodi karo”.

Siyaasadda arrimaha dibadda waxay noqon kartaa mid mira dhasho oo guul keenta marka dal gudahiisa uu yahay mid tiir adag oo ku taagan Nabadda, Caddaaladda, Jaceylka bulsho ee dowladda iyo shacabka ka dhaxeeyo,waxaana madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu sheegay inay dowladdiisa ay dib u soo noolaynayso xiriirka ay la’leedahay dalalka horumaray,si maalgashi ballaaran loogu sameeyo dalka loogana saaro dalka baahiya dhaqaale madaxweynaha oo arrintaasi ka hadlayo waxa uu yiri.

“Tobankii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya waxay soo ceshanaysay xiriirkii caalamiga ahaa, dowladdeennu waxay la imaan doontaa Siyaasad arrimo dibadeed oo ku qotoma labo arrimood oo muhiim ah oo kala ah, Iskaashi iyo Ixtiraam, dowladdeennu waxay culeys weyn saari doontaa inay iskaashi dhow ay la yeelato dalalka aan bahwadaagta nahay ee gobolka geeska Africa, Midowga Africa, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka, Midowga Yurub iyo Maraykanka”.

Dhanka kale soo celinta xiriirka Caalamiga ah waxay sheegtay Dowladda Soomaaliya inay dhexda u xiranayso sidii ay u wanaajin laheyd xiriirka ay la leedahay wadamada ay Soomaaliya ay bahwadaagta ay la tahay Cabdi Salaam Axamed oo todobo dal ka soo noqday safiir ayaa arrintaasi Goobjoog  uga warramay.

“ Isbadal ayaa yimid isbadalkana shaki kuma jiro ulajeedado inay aheyd tan halag guuro oo mid ka fiican haloo guuro walina hadda lama gaarin oo dowladda way cusubtahay “.

Si kastaba ha ahaatee xiriirka caalamiga ah ayaa waxa uu la xiriiraa Siyaasadda arrimaha dibadda Qawaaniinta sharciyada caalamiga ah iyo Diploomaasiyadda, waxaa kole oo soo gali karo Ururada caalamiga ah Maalgalinta iyo Qaxootiga iyo xiriiro kale oo badan, saameynta xiriirka caalamiga ah ee ku aadan bulsho weynta caalamka waa tan saldhigga u ah xiriirka caalamiga ah waxayna hadda dowladda Soomaaliya ay ku howlantahay sidii xiiradaas oo dhan dib loogu soo nooleyn lahaa.

W/D:Munasar Maxamed Cabdi