U bood dhigaalka

Xuutiyiinta Yemen Oo Aqbalay In La Aaso Soomaalidii Lagu Laayey Xeebaha Dalkaasi

Sheeko:Dalka

Kooxda Xuutiyiinta ayaa aqbalay in la aaso meydadka Soomaali badan oo diyaarahada Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ku laayeen xeebaha dalka Yemen.

Qusnulka Soomaaliya ee Yemen Axmed Sudan ayaa u sheegay Goobjoog News, in dedaal badan oo ay sameeyeen ku guuleysteen in ay Xuutiyiinta aqbalaan in la aaso dadka dhintay.

Wuxuu sheegay in markii hore ay doonayeen Xuutiyiinta in dowladda Federaalka Soomaaliya ka helaan warqad ay ku cadeynayaan in dadkaasi la laayey ay dileen diyaaradaha Isbahaysiga.

Meydadkan ayaa qaboojiyeyaasha ku xareysnaa ku dhowaad Labo Bil, waxaana meydadka halkaasi yaalla ay tiro ahaan yihiin 42.

Dhanka kale Soomaalidii ku dhaawacmay duqeyntaasi ayaa ka codsaday dowladda Soomalaiya iney wax u qabato, lana xisaabtanto isbahaysi duqeyntaasi fuliyey.

Goobjoog News