U bood dhigaalka

Yaa Ku Guuleystay, Abaalmarinta Macallinka Adduunka ee sanadkan 2017?

Sheeko:War

Ninka Dubai xukuma ee al-Sheekh Maxamed Binu Raashid Aal Maktuum ayaa abaalmarinta macallinka Adduunka guddoonsiiyay; macallimada u dhalatay dalka Canada oo la yiraahdo Maggie MacDonnell, lagana soo dhex xulay 20 kun oo macallin oo dunida oo dhan ka kala socday, kaalinteedii muhiimka ahayd ee dhanka waxbarashada.

Guushan macallimadan ay gaartay ayaa markii ugu horreysay looga dhawaaaqay xarunta cirbixiyeennada caalamiga ah 19.Mar.2017, waxaana afkiisa kaga dhawaaqay cirbixiyeenka u dhashay dalka Faransiiska ee la yiraahdo Thomas Pesquet oo noqoday ninkii ugu horreeyay ee abaalmarinta ku dhawaaqa isagoo jooga hawada sare.

Sida ay qorayso warbaahinta cbc ee dalka Canada Maggie waxaa la tartameysay 20 kun oo macallin oo dunida daafaheeda ka wada socday, kuwaas oo dhamaantood lagu soo xulay kaalintooda firfircoon ee dhanka waxbarashada iyo horumarinta bulshada ay kaga jireen.

Macallimaddan ayaa lagu xushay kaalinteeda ay ku lahayd dhanka waxbarashada mid kamid ah deegaan ka tirsan gobolka Quebec ee dalka Canada,  waxay xoogga saartay adeegga ardayda iyo bulshada ay ku dhex nooleyd, waxay aasaastay kushiin dadka si lacag la’aan ah wax loogu kariyo, waxay sameysay barnaamijyo dhalinyarada looga ilaalinayo iney naftooda halligaan, gaar ahaan markii deegaankeeda ay ku soo bateen dhalinyaro 18-25 jirka ah oo niyadjab darteed naftooda isku dilay sandkii 2015, macallimada oo arrinkan ka hadleysa ayaa tiri; “Ma illaabi karo, xilliyadii muragada lahayd ee ay ku noolaayeen dhalinyar badan, gaar ahaan marka ay xusaan sheekooyin aad u quruxbadan oo ay la wadaageen asaagood oo naftooda haligay isna dilay”.

Xafladdii abaalmarinta lagu bixinayay ayaa lagu casuumay wufuud heer caalami ah, siyaasiyiin, suugaanyahanno, dadka daneeya waxbarashada, hay’daha caalamiga ah iyo haydda Qaramada Midoobay u qaabilsan Aqoonta iyo Dhaqanka ee Unesco.

Qiimaha abaarlmarinta ayaa ah $100,000(Boqol kun oo dolar) oo sanad kasta ah, muddo 10 sano ahna u soconaysa macallinka ku guuleysta.

Abaalmarintan ayaa waxaa sandkii hore 2016 ku guuleysatay macallimad u dhalatay Falastin oo la yiraahdo Hanan Al Hroub oo abaalmarinta ku heshay dadaalkeeda dhanka waxbarasho ee caruurta reer Falastin ee xaaladda adag iyo dagaalka wax ku dhex barta, halka sanadkii kasii horreeyay ee 2015 ay ku guuleysatay abaalmarinta macallimad u dhalatay dalka Mareykanka oo la yiraahdo Nancie Atwell.

Goobjoog News