U bood dhigaalka

Yeman: Cudurka Daacuunka  Oo Dilay 1100 Oo Qof

Sheeko:Caafimaadka

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in ay  korortay  tirada uu soo ridanayo cudurka Daacuunka  ee dalka Yeman.

Hay’adda  WHO ayaa ku sheegtay tiro koob ay sameysay in ku dhawaad 159 kun oo qof looga shaki qabo in ay qabaan cudurka dilaaga ah ee Cholera, kuwaas  oo ku sugan  gudaha Yeman, iyada oo tilmaantay 1100 oo qof ay u dhinteen cudurkaan.

Hay’adda ayaa shalay waxaa ay sheegtay oo kale in ay diiwaan galisay  1054 qof  oo dhimatay inta uu socday Choleraha, waxaa ay intaas ku dartay in ka badan 155 kun oo qof kuna sugan Yeman in ay qabaan cudurkaan.

Dalka Yeman waxaa maalin walba u geeriyooda cudurka Cholera  in ka badan 30 qof hay’adda WHO ayaa waxay ka digeysaa in ay suurto gal ay tahay in dadka u dhimanaya cudurkaan ay gaaraan maalin walba kumanaan qof.

Cudurka Cholera  ayaa waxa uu ku faafay Yeman October 2016 kii, isaga oo kordhay bishii December ee isla sanadkaas.

Goobjoog News