U bood dhigaalka

Yemen: Qunsulka Soomaalida Ee Cadan Oo Lagu Eedeeyay Baad, Sameynta Warqado Been Ah Iyo Amar Diido

Sheeko:Dalka

Ilo ku dhaw safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo Goobjoog News la hadlay ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay sheegashada qunsulka Axmed Suudaan oo ahaa in isaga iyo qunsuliyadda la soo weeraray.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in askarta halkaasi loo geeyay in ay ka hortagaan rabshado iyo dibad-bax ay jaaliyadda ku diidan yihiin qunsulka oo ka dhaci lahaa agagaarka qunsliyadda iyo in ay ilaaliyaan qunsuliyadda iyo qunsulka.

Qunsulka Soomaaliya Axmed Suudaani ayaa la sheegaa in bil gudaheed labo jeer ay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya u dirtay warqad rasmi ah oo lagu armayo in dalka soo galo, arrintaas uu amar diido ku sameeyay, taa badalkeedana uu Safiirka dagaal kula dhaqaaqey, waxaa intaa dheer in safiirka uu haatan u shaqeeyo Hotel ku yaalla Sanca halkaas oo ah xarun u ah dowladda Yemen ee Cabdirabu Mansuur Haadi.

Dhinaca kale Axmed Yusuf oo guddoomiye u ah jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Cadan ayaa Goobjoog News u sheegay in qunsulka horay uga dacwoodeen dowladda federaalka ah, isla markaana uu dad badan lacago ka qaatey, warqado iyo Baasaboorana uu qunsuliyadda ku sameeyo isaga oo sii hadlaya waxaa hadaladiisa ka mid ahaa:

“Arinta maanta taagan waxaa waaye ninkaan walaale ma aaminsana in ay cid maamuli karto, shaqo uusan xaq u laheyn ayuu shaqeynayaa, waraaqo uusan xaq u laheyn ayuu sameynayaa, wax walba lacag badan ayuu ku xirayaa, dadkii Soomaali badan ayaa iska noqo lahaa iyaga oo alaabtooda soo iibiyay oo dagaalkii iyo rafaadkii, ayaa waxa uu ku oronayaa maalmo qura ayaa la idiin shaqeynayaa, lacag buu ku xirayaa qofka 12 sano ka weyn “.

Asma Barre Ismaciil oo ka mid aheyd dadkii ay diyaaraha ku duqeeyeen xeebaha Yemen, haatanse ku sugan Somaliland ayaa Goobjoog News u sheegtay in qunsulka aaney arkin intii ay xirnaayeen iyo xitaa marka la soo daayey, weli uu IOM-ta ku xiray lacag si uu warqado ugu sameeyo, ugu dambeyntiina ay dad boqol qof ka badan dalka ku yimaadeen dadaallo uu sameeyay safiirka Soomaaliya ee Yemen Cabdullahi Xaashi Shuuriye.

“Waraaqihii nalaku soo saarayay oo qunsulka uu gacantiisa uu ku hayo, markaan ku niri maxaa meesha nooga saari weyseen, waxay yiraahdeen waraaqihiina waxaa haya Axmed Suudaani oo aan soo wareejin, Maxuu u soo wareejin waayey markaan ku niri, waxaa la ogaaday inuu leeyahay NGO ayaa ku qaatay  50 kun aan ku soo saaray, marka isaga ma aheyn lacag intaas la eg inuu waraaqaha uu ku qaato, waxay aheyd waraaqadaha inuu degdeg u soo wareejiyo,  annaga markaas meesha naga sii daayo. Lacag uu isaga shicibka ka qaatay ma jirto hey’adda  ayuu yiri waraaqadahaas saxiixi mayo ilaa hay’adda ay ii saxiixdo 50 kun , walal waxaa wax walbo noo qabtay Safiirka Cabdullahi Shuuriye, maanta in xumaan loogu abaal-gudo ma aha”.

Goobjoog News oo ilaalineysa xaqa jawaabta ee qofka ayaa sidoo kale eedeymahaasi  hor dhigtay qunsulka Soomaaliya ee Cadan Axmed Suudaan, laakin waa uu ka gaabsaday in uu ka jawaabo.

Hadaba, si aan Khilaafka u dhaxeeya Safiirka iyo Qunsulka wax uga ogaanno, Goobjoog News waxaa ay la xiriirtay Wasiirka arrimaha dibadda Yusuf Garaad Cumar, kaas oo fariin aan u dirney ka soo jawaabin.

Goobjoog News