U bood dhigaalka

Yurub: Caruurta Qoysaska Danyarta ah oo Cayilku ku Badan yahay  

Sheeko:Caafimaadka

Cilmibaaris laga sameeyay 8 dal oo Yurub ah ayaa lagu ogaaday in caruurta qoysaska danyarta ah uu ku badan yahay cayilku.

Cilmibaarista oo ay maalgelineysay Midowga Yurub ayaa waxaa lagu ogaaday in cayilka caruurta faqrigu uu sababi karo, 16 kun oo caruur ah oo ay cilmibaaristu saameysay, 40% waxay ku noolyihiin Konfurta Talyaaniga, halka 10% ay ku noolyihiin Belgium.

Cilmibaaristan oo ay ka qeybgaleen 17 ha’yadood oo Yurub ah, ayaa lagu ogaaday in caruurta cayilan intooda badani ka soo jeedaan qoysaska dabaqadda hoose ee dhaqaale ahaan liita, waxaana sidaa yiri Wolfgang Ahrens cilmibaare ka tirsan machadka cilmibaarista iyo ka hortagga ee Yurub “Waxaa muhiim ah in la sameeyo dadaallo dheeri ah, si loo eego xaaladaha culus, loona sameeyo siyaasado siinaysa caruurta iney helaan kaalmadii ay u baahnaayeen”.

Cilmibaaristan ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqday in dhinaca wacyigelin lagu dhiirigeliyo caruurta iney cunaan cuntada caafimaadka leh oo dheelitiran.

Goobjoog News