U bood dhigaalka

Yurub: Hawada Saafiga ah oo Lagu Iibsado $ 167

Sheeko:Caafimaadka

Shaki kuma jiro inaad qaadato hawada saafiga ah ee buuraha Switzerland iney tahay arrin aad u wanaagsan, laakiin inaad ku bixiso $167 ma muhiimbaa?, shirkadda iibisiga hawadaa buuraaleyda Swiss-ka waxay leedahay lacago intaa ka badan ayay mudan tahay in lagu bixiyo.

John Green ayaa aasaasay shirkad soo uruurisa oo iibgeysa hawada saafiga ah ee laga helo buuraha Alps ee dalka Switzerland, iyadoo loo iibgeeyo dhamaan daafaha dunida, iyadoo laga iibinayo dadka u baahan hawo saafi ah.

Shirkaddan ayaa dadka hawada ka iibsada u ballanqaadaysa iney dareemayaan caafimaad iyo firfircooni dheeri ah, marka ay qaataan hawada saafiga ah ee ay iibiyaan, iyadoo hawadan laga soo buuxiyay meelqarsoon oo dadku aaney wada ogeyn oo ku talla buuraha Switzerland.

Website-ka shirkadda ayaa lagu faafiyay sidan; “Waxaad furankartaan dhalooyinka barafka ah ee hawada Swiss-ka ah ee saafiga ah, amaba waxaad u haysan kartaa qaab xasuus oo kale ah oo guriga ayaad dhigan kartaa”.

Dhalooyinka hawada ayaa waxaa la socodo caddeeymo tiimbareysan, iyo meelaha hawadan laga soo cabeeyay, iyadoo shirkaddu ay baallanqaadday in 25% lacagta lagu bixin doono hay’adda samfalka ee “World Vision”.

Muuqaalka xayaysiinta hawadan saafiga ah ayaa tilmaamay, “Haddii aad joogto waddan hawadiisi wasakheysan tahay, waxaan kuu haynaa hawo buureed saafi ah”.

Waxayna sheegayaan iney ku neefsato hawada saafiga ah ee buuraha Alpine uu leeyahay soo jiidasho gaar ah oo wax u dhigmaa aanuu jirin, bani’aadamkuna uu dareemayo inuu marlabaad dhashay!!.

Si kastaba, nimcooyinka dalkeenna Soomaaliya waxaa ka mid ah hawada saafiga ah, qiimaha ay leedahayna waxaad dareemaysaa marka aad aragto dalal kale oo laga iibsanyo hawada.