U bood dhigaalka

Yusuf Garaad: Cabdulqawi Waxaa Uu Ku Guuleystay Galaangal Ay Sameysay Dowladda Federaalka ah

Sheeko:Dalka

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf  oo ayey mar kale Q.M u dooratay in uu noqdo garsoore ka tirsan maxkamadda cagliga adduunka ama ICJ.

Mr. Cabdulqawi,waxaa uu maxkamadda ka tirsanaa tan iyo 2009kii, waxaa uu sidoo kale ka soo noqday guddoomiye ku-xigeen taas oo loo doortay 2015kii.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar ayaa sida caadada ah qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooga ugu hambalyeeyay  Cabdulqawi Axmed Yuusuf isaga oo intaasi raaciyay in arrinkaasi ay ku timid dadaalkiisa iyo galaangal ay sameysay dowladda federaalka ah, oo sida uu sheegay cadaadis diblomaasiyadeed saartay dowladaha.

Sida ay qortay SONNA, Abuukar Daahir Cusmaan safiirka soomaaliya u fadhiya QM ayaa sheegay inuu Garsoore C/qawi ku guuleystay Cod aqlabiyad ah, iyadoo ay aad u bogaadiyeen dhammaan wakiillada 193-da waddan ee ka qayb galay doorashadaasi.

Garsoore Cabdulqawi horay usoo ahaa Guddoomiye ku xigeenka,waxaana lagu wadaa in horraanta 2018-ka uu noqdo Guddoomiye sida uu sheegay Amb:Abuukar Cusmaan.

Maxkamadda dembiyada Caalamiga ee uu fadhigeedu yahay Magaalada Hague ee Dalka Netherland ayaa imminka Gacanta ku haysa kiiska muranka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Goobjoog News