U bood dhigaalka

Yusuf Garaad Oo Aqalka Sare Uga Jawaabay Siyaasadda Wasaaradda, Xiisadda Khaliijka Iyo socdaalka

Sheeko:Baarlamaanka

Wasiirka arrimaha dibadda Yusuf Garaad Cumar ayaa maanta aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya uga jawaabay oraah su’aaleed la xiriira shaqada wasaaradda.

Kulan uu shir guddoominayey guddoomiyaha 1aad ee aqalka sare Mudane Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) waxaa uu wasiirka arrimaha dibadda ka hadlay socdaalka, sharciyada siyaasadda arrimaha dibadda, hab-maamuusta, diblomaasiyiinta iyo maxaabiista Soomaalida ah ee dibadda ku xiran.

Wasiirka arrimaha dibadda Yusuf Garaad mar uu ka hadlayey Hab-maamuuska qaranka, waxaa uu sheegay in uu wax badan ka qabtay qas fara-badan oo halkaasi ka jiray sida soo dhaweynta madaxda, sinnaanta dajada, qaabka soo dhaweynta iyo marti-gelinta.

Waxaa sidoo kale Sharciga arrimaha dibadda ayuu soo qaaday isaga oo intaasi ku daray in hadda kadib Safiirka kasta oo dalka loo magacaabo joogi-doono 4 sano kadibna loo wareejin-doono dal kale si 8 sano kadib uu dalka dib ugu laabto, ugana shaqeeyo gudaha.

Arrinta Maxaabiista waxaa uu ka hadlay in ay jiraan maxaabiis badan oo ku xiran Seychelles,  Cummaan, Suudaan, Uganda iyo dalal kale, isaga oo ballan-qaaday in sida ugu dhaqsaha badan wax uga qaban-doono!

Arrimaha uu ka hadlay waxaa ka mid ah shaqo uu sheegay in uu ka qabtay Shaqada gudaha ee wasaaradda arrimaha dibadda.

Khilaafka Khaliijka waxaa uu difaacay mowqifka dowladda federaalka ah isaga oo sheegay in doorkii uu horay u taagnaa weli taagan yihiin,  oo aanay Soomaali diyaar u aheen in ay gasho dagaal badaha gadaashooda ah, isaga oo intaasi ku daray in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay haatan leeyihiin xiriir aad u wanaagsan.

Ugu dambeyntii, wasiirka arrimaha dibadda, waxaa uu soo qaatay culeysyada saaran wasaaradda sida: Miisaaniyad, qarasha ku baxa safaaradaha, Passport, Fiisaha iyo arrimaha Xajka iyo guud ahaan hirgelinta sharciyada.

 

Goobjoog News