U bood dhigaalka

Yusuf Garaad Oo Blogiisa Uga Hadlay Safarkooda Imaaraadka

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu soo dhigay blog uu leeyahay uga hadlay waxyaabaha ay isku afgarteen wafdiga Soomaalida iyo madaxda Imaaraadka.

Qoraalka Garaad waxaa ka mid ahaa

“Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa isku afgartay iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka arga-gixisada iyo burcad badeedda, kobcinta dhaqaalaha, arrimo la xiriira ganacsiga iyo socdaalka iyo in Imaaraadku uu gacan ka geysto in Soomaaliya laga saamaxo deymaha lagu leeyahay.
Yusuf waxaa kaloo uu sheegay in Soomaaliya iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabtu ay  isla qireen in ay Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan  ayna muhiim u yihiin amniga iyo iskaashiga labada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo cid kale oo mataleysa dowladda weli lama hadlin saxaafadda waxyaabihii isku afgarteen dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Goobjoog News