U bood dhigaalka

Yuusuf Garaad: In Xilka La Iga Qaaday Waxaa Ii Soo Sheegay Qof Maraykanka Jooga

Sheeko:Dalka

Wasiirkii arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyay, isaga oo tilmaamay in isaga oo wax war ah ka hayn ama aan lasii ogeysiin xilkaasi laga qaaday.

Qoraal uu Garaad soo dhigay bar uu ku leeyahay Internetka ayuu ku sheegay in Ra’iisul wasaare Kheyre uu xalay u diray isaga iyo wasiiru dowladaha wasaaradda arrimaha dibadda howl, taasi oo la doonayey in lasoo hor dhigo shirka golaha wasiirada ee Todobaadlaha ah.

Waxa uu sheegay Garaad in xilka laga qaaday in shaqsi Maraykanka jooga soo wacay una sheegay in xilkii laga qaaday, islamarkaana xiriir uu la sameeyay wasiirka Warfaafinta loo xaqiijiyey run ahaanshiyaha warkaasi.

“Maanta oo ah Khamiis, taariikhdu ay tahay 4-ta January sannadka 2018, aan xalay aniga iyo Wasiiru Dowluhu ku daahnay howl uu Ra’iisal Wasaaruhu ii xil saaray in aan maanta soo hor dhigo Golaha Wasiirrada, ayaa qof saaka iga soo wacay dalka Mareykanku uu ii sheegay in xilka la iga qaaday, Ka dibna waxaan telefoon u diray oo aan ka hubsaday Wasiirka Warfaafinta oo aan weydiiyay in warkaas idaacadda Qaranka laga sii daayay. Wuuna ii xaqiijiyay. Ra’iisal Wasaaraha inkata oo aan wacay iima suurta gelin in aan wadahadalno marka aan daabacayo sadarradan” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Sidoo kale, Yuusuf Garaad Cumar ayaa u mahadceliyey madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre oo markii horeba xilkaan u magacaabay, waxaana sidoo kale uu u mahadceliyey cid walbo oo la shaqeysay iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Yuusuf Garaad ayaa kula dardaarmay madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, si ay u cago dhigato siyaasadda dibadda ee dalka in wasiirka cusub ee loo magacaabay wasaaradda arrimaha dibadda lagu fududaan in la bedalo.

“Ugu dambeyntii waxaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha kula dardaarmayaa in si ay siyaasaddeenna dibaddu ay u caga dhigato ay xaqiijiyaan in aan lagu fududaan beddelaadda Wasiirka cusub ee ay u magacaabeen Wasaaradda, isaga iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaraddana lagu xurmeeyo howshooda”

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xilalkii ka qaaday Wasiirada Arrimaha dibadda, Gudaha iyo Warshadha iyo ganacsiga.

Goobjoog News