U bood dhigaalka

 Puntland Oo Weli Diidan Sii Socoshada Doorashada

Sheeko:Baarlamaanka

Iyadoo weli magaalooyinka dowlad goboleedyada ay ka socdaan doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya marka laga reebo Kismaayo oo lagu soo gebagebeeyay ayaa waxaa hakad ku jira Garoowe doorashadaasi.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cameey iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi Axmed Cali ayaa mar ay si wadajir ah saxaafadda ugu la hadleen magaalada Garoowe waxay sheegeen in Puntland weli ay ku sii adkeysanayso go’aankeeda ahaa in doorashada Garoowe ee baarlamaanka federaalka la hakiyay.

Go’aankani ayaa yimid markii Puntland ay ka soo horjeesatay xubnaha labada aqal ee gobollada Sool iyo Sanaag ee Somaliland in lagu soo doorto magaalada Muqdisho iyadoo taas badalkeed codsaday in Garoowe lagu doorto.

” marka ugu horaysa waxaanu u cadaynaynaa shacabka Puntland go’aankii ay qaadatay Puntland inuu ahaa go’aan ay u dhan yihiin golaha sharci dejinta iyo golaha fulinta, waxaa taa keenaysa quwada iyo culayska siyaasadeed ee ay leedahay go’aamada aan waxba ka jirin ee laga wado dawladda fadaraalka, kuraastan Habraac waxa ay lahaayeen  Xeer iyo Heshiis lagu heshiiyay oo madashu kuwada heshiisay, wixii ka duwan marnaba sharci ma noqonayaan,Waxaad ka war haysaan Jawaari warqaddii uu arrimahan ka qoray waa warqadii lixaad ee uu qoro oo aan sharci aheyn. Hal qof in uu ku tasarufo awooda madasha oo dhan ay wada leedahay waxaan u aragnaa inay tahay majarahabaabin iyo carqaladeyn iyo ragii aan rabin in dowlad federaal ah la helo in la taageeray, ugu danbayn waxaanu caydaynaynaa inaanay marnaba naga suuroobayn inaanu aqbalno sharci darada iyo majara habaabinta lagu wado masiirka ummada Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Dawllada puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey

Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa ka hadlay arrintani oo ku fikir noqday madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Wuxuu sheegay in gobollada Sool iyo Sanaag xubnahooda aan lagu dooran Karin Muqdisho oo dowladda federaalka ay arrintaas ku qaldan tahay.

” waxaa lagu heshiiyey madasha qaranka heshiis dhamaystiran oo dhinacyo badan leh, waxaa dhacday in lamajara habaabiyey loona samaystay habraac aan sharci ahayn, waxaa sharci ah in lahelo waxii madashu ku heshiisey, waxaa aqalka sare ee gobolada waqooyi Soomaaliya loogu qaybiyey sicad oo waadixa, gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn waxaa looqoon deeyey sadex xubnood, sidii madasha lagaga heshiiyeyna lagu dooran donaah xubnahaasi Muqdisho, balsii hadii ay majara habaabiyey dad leh dana gaara waxaa sharci ah in lagu doorto Garoowe, =Puntland waxaa markasta ka go’an inay ka shaqeeyaan midnimada Soomaliya iyo isu keenida ummada Soomaliyeed sidaa awgeed waxaanu ka digaynaa wax kasta oo lid ku ah horumarka ummada Soomaaliyeed” ayuu yiri gudoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa tibaaxaya in madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan dalka dibaddiisa uu fasaxay in doorashada aqalka hoose ay dib uga sii socoto magaalada Garoowe.

Arrimahaan ayaa looga cabsi qabaa in doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo bud dhigidda dowladda cusub ee federaalka.

Goobjoog News