U bood dhigaalka

Ra’iisul-wasaaraha New Zealand oo Ku Dhawaaqday Iney Ka Adkaadeen “Covid-19”

Sheeko:Caafimaadka

Ra’iisul-wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern, ayaa ku dhawaaqday in waddankeedu ay u suurtagashay iney joojiyaan faafitaanka fayaraska Coronavirus oo ay ka hortageen inuu bulshada badankeeda uu saameyn ku yeesho. Waxey tilmaantay in la fududeyn doono bandowga adag habeennimada Isniinta, laakiin waxey carrabka ku adkeysay iney lagama maarmaan tahay in si xoog leh loo baraarugsanaado.

Jacinda, waxey caddeysay in New Zealand ay joojisay “Safmarkii ballaaran oo cudurku aanuu dad badan gaarin.”, iyadoo tilmaantay in waddankeeda uu ka taxadaray inuu xaalad adag waajaho, waxeyna hoosta ka xariiqday iney lagama maarmaan tahay in la sii wado fayraska Corona.

Waxaa la filayaa in hal-milyan oo qof ay shaqadooda dib uga howl bilaabaan goobahoodii shaqada, iyadoo sharuudda ku xiran ay tahay in shirkaduhu ay la yimaaddaan tallaabo ay kula soconayaan “Covid-19”, iyadoo la qaadayo Tallaabooyin ku habboon oo caafimaad, fayoobiqabka iyo kala dheeraanshiyaha bulshada.

Ra’iisul-wasaare Jacinda Ardern, shacabka waxey ku baraarujisay in kulamada ay dadka farahaba badan ay meel qura iskugu yimaaddaan aan la ogoleyn, waxey tiri: “Waxaan furnay dhaqaalaha, laakiin noloshii bulsho weli ma aaney furmin.”

Tirade guud dadka uu ku dhacay Covid-19 ee gudaha New Zealand waxey gaartay 1,469(Kun afar boqol iyo lixdan iyo todobo), halka tirada dadka cudurka u dhintay ay gaareen 19 qof, iyadoo galabnimadii Axaddii uu cudurka u geeriyootay haweenay waayeel ah oo 90-jir ah.

Goobjoog News