U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlayay Amniga Caasimadda

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan muhiim oo ku saabsan sugidda amniga magaalada Muqdisho la qaatay maamulka cusub ee Gobolka Banaadir oo uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale).
Kulanka oo ay sidoo kale ay ka qaybgaleen Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa iyo Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdiraxmaan Yusuf Cumar al-Caddaala, ayaa looga hadlay sugidda Amniga gobolka Banaadir iyo sidii shacabka loogu abaabuli lahaa ka qaybqaadashada ciribtirka Khawaariijta.
Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoonka gobolka u sheegay muhiimadda ay leedahay in feejignaan dheeri ah la sameeyo, sarana loo qaado dadaallada lagu horumarinayo amniga caasimadda dalka , maadaama kooxda Al-shabaab  lagu soo jebiyay gobollada dalka ayna suuragal tahay inay ku soo dhuuntaan magaalooyinka oo ay caasimaddu ugu horreyso sida uu hadalka u dhigay Ra’iisulwasaare Xamse
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay maamulka cusub ee gobolka inay abaabulaan bulshada oo ay ku baraarujiyaan halista iyo amni darrida ka imaan karta kooxda, oo horay guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka uu sheegay in ay soo galayaan caasimadda.
Guddoomiye, Yusuf Xuseen Jimcaale oo intii uu kulanku socday ka warbixiyay shaqooyinka socda iyo dardar-gelinta uu maamulka cusub ku wado howlaha mudnaanta u leh, gaar ahaan sugidda amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo dhowaan ay ka dhaceen qaraxyo iyo sidoo kale halista laga muujinaayo Ciyaalweerada.
Goobjoog News