U bood dhigaalka

$1.5 billion Oo Wax Looga Qabanayo Abaarta Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Wasaaradda gargaarka ayaa  maanta shir ay ka soo qeyb galeen wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo wakiillo ka socda beesha caalamka ku qabatay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo labo maalmood socon doona waxaa shir guddoominaya wasiirka gargaarka Dr. Maryan Qaasim, waxaa xoogga lagu saarayaa sidii wax looga qaban lahaa abaarta ka jirta qeybo ka mid ah Soomaaliya, waxaana sidoo kale ka qeybgalaya bulshada rayidka.

Guddiga qaran ee abaarta waxaa uu sheegayaa in loo baahan yahay lacag dhan US$ 1.5 billion oo ay bixin doonto Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) .

Shirkii London ee 11 May waxaa deeq bixiyeyaasha laga helay 634 Milyan, waxaa dhiman 875 oo milyan oo lacagtaas oo isku darka noqon doonta

Goobjoog News

fgfgf jjjjjjjjj maanta sd1