U bood dhigaalka

1-da Luulyo Oo Laga Xusay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Munasaabad lagu xusayay 57 guuradii kasoo wareegatay markii xornimada ay qaadatay koofurta islamarkaana ay la midoowday Gobollada waqooyi ayaa xalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Madaxda ugu sarreysa dalka iyo shaca farabadan ayaa ka qeybgalay munaasabadda oo si gaar ah loogu qabtay xartunta dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo hadal ka jeediyey munsaabaddan ayaa ka hadlay qiimaha ay u leedahay shacabka Soomaaliyeed 1-ada Luulyo, wuxuuna kula dardaarmay shacabka in marwalbo qalbiyadooda ay ku hayaan dadkii usoo halgamay xorriyadda.

“Waa habeen taariikh ah, waa habeen farxad leh, Isbuucii lasoo dhaafay wuxuu ahaa mid maamuus badan, waxaan isugu nimid inaan qeybsanno farxadda iyo xorriyadda umadda Soomaaliyeed, waxaan rabaa inaad ogaataan in xorriyadda ay dhiigooda usoo daadiyeen dad Soomaaliyeed oo naf, maal iyo dhiig ku bixiyeen si aan u helno noloshaan xorrriyadda” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Madxaweynaha dalka Maxamed Cabdullahi Maxamed oo ku dheeraaday ka hadalka 57 guuradii kasoo wareegatay markii ay xornimada qaateen gobollada Koonfureed ee dalka, ayna midoobeen Waqooyi iyo Koonfur ayaa sheegay in Soomaaliya mar un ay kusoo laaban doonto sidii hore ,oo ay dib u heli doonto wixii ka lumay dhowr iyo Labaatankii sano aynu soo dhaafnay.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdiisa ay ka go’antahay sidii dib ay ugu soo celin laheyd kalsoonidii luntay, waxaana uu sheegay in maalintaan qiimaha badan ay tahay mid aan la iloobi karin.

“Waxay ahayd in mirihii halgankii dheeraa iyo gobanimadii lagu keenay waxay ahayd in laga ilaaliyo dayac iyo burbur, hase ahaatee hoggaan xumo, talo xumo iyo dagaal sokeeye ayeey nooga dhacday, kadibna dhibaatadii iyo waxyaabihii aan soo marnay ayaan muteysannay, heer walbo oo dalka uu soo maray waxay saameysay qof, qoys, qolo iyo qaran, hase ahaatee dedaal badan oo la galay, caalamkana gacan inagu siiyey waxaan maanta u dabaaldageennaa 57-guuradii dhalashadii Jamhuuriyaddeennii” ayuu yiri Madaxweynaha.

1-da Luulyo ayaa ah maalin qiimo badan, shacabka Soomaaliyeedna ku weyn, waa maalintii ay gobollada Koonfureed ee dalka ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga, ayna midoobeen gobollada Waqooyi iyo Koonfur ee dalka.

Goobjoog News