U bood dhigaalka

10  Faa’ido Caafimaad ah oo Laga Helo Caleenta Geedka Cambaha

Sheeko:Caafimaadka

Waxaa la ogyahay in cambuhu yahay boqorka Khudaarta, cid kastaana ay ka hesho oo dadka intooda badani ay  aad ayay u jecelyihiin, laakiin waligaa ma isweydiisay faa’idooyinka caafimaad ee ku jirtay caleenka geedka cambaha?

Warbixin dhawaan lagu soo daabacay webside-ka caafimaadka ee ” Bold Sky” ayaa lagu sheegay in caleenka geedka cambaha laga helo faa’idooyin farabadan oo caafimaad, waa mid aad ugu badan Faytaminnada iyo walxaha kale ee muhiimka ah u ah caafimaadka aad loo isticmaalo.

Caleentan waxaa looga faa’idaysaa labo qaab, tan koowaad waa inaad caleenta karkariso kadibna biyaha ka baxa cabitaan ahaan loo  isticmaalo iyo in caleenta la qalajiyo kadibna sidaa looga faa’ideyso.

Hadaba, caleenta geedka cambaha ayaa laga helaa 10 faa’ido oo dowo ah, oo ay hubaal tahay inaadan horey u ogayn.

1-Dhiigkarka Ayuu Hoos u Dhigaa

Khubarada dhanka cuntada ayaa waxay kula taliyaan dadka dhiig karka qaba iney maalintii cabaan koob cabitaan ah oo laga sameeyay caleenta geedka cambaha oo la karkariyay, si hoos loogu dhigo cadaadiska dhiigga.

2-Daweynta Cudurka Sonkorka iyo Ka Hortaggiisa

Caleenta geedka waxaa laga helaa Tanins iyo anthocyanin oo loo adeegsado daweynta cudurka sonkorta, halka ka hortagga cudurka loo adeegsado koob cabitaan ah oo laga sameeyo caleenta oo la karkariyay.

3- Daweynta Mushaakilka Dhanka Neefsiga

Intabadan mushkiladaha  habdhiska neefmareenka waxaa lagu daweeyaan koob cabitaan laga sameeyay caleenta cambaha oo la karkariyay, dadka qaba cudurrada colds, social ama Asthma, marka la siiyo koob cabotaan ah oo caleenta geedka cambaha oo la karkariyay ah waxay dareemaan dhamaan bukaanku in xaaladoodu soo hagaagayso.

4-Waxaa lagu Daweeyaa Xanuunada  dhagaha

Haddii caleenta geedka cambaha la karkariyo oo markii la qaboojiyo ka dib si dhibco ah loogu adeegsado dhagta waxay xanuun baabi’iye u noqoneysaa qofkii ay dhaguhu xaruunayeen waliba si cajiib ah ayuu xanuunku uga istaagayaa.

5-Waxaa Lagu Dhayaa Dhaawacyada Dabka

Waxaa la gubayaa  caleenta waxaana dambaskeeda lagu shubayaa goobta dhaawaca dabku uu soo gaaray.

6- Waxaa Lagu Daweeyaa Mushkiladaha Ka Dhasha Uric Acid-ka

Uric acid marka uu xadka ka baxo waxa uu keena cudurka Gout ama kalyaha qofka oo fariista, dadka dhiigoodu uu ku badan yahay acid-kan ayaa lagu daweeyaa iney hal koob ka cabaan maalintii cabitaan laga sameeyay caleenta geedka oo la karkariyay.

7-Waxaa Lagu Daweeyaa Walwalka

Halkoob oo aad ka cabto cabitaanka geedka cambaha, waxa uu hoos u dhigayaa walwalka iyo isku buuqa dhanka nafta ah, waxa uu dajiyaa dareemaha, raaxo badanna iyo xasilloonina waad ka helaysaa.

8- Waxaa Lagu Daweeyaa Dhagax Saarka Kalyaha

Caleenta geedka cambaha marka la qalajiyo ee la tumo, biyana lagu qaso oo la cabo iydoo calooshu maran tahay, cabitaankaasi waxa uu wax ka tarayaa dhagaxaanta kalyaha oo si dabiici ah u burburaya.

9-Waxaa Lagu Daweeyaan Quunka

Dadka mashaakilka quunka ah qaba ama dhuuntu ay xanuunto waxay isticmaali karaan caleenta geedka oo la gubo kadibna qiiqa lagu neefsado si macquul ah.

10- Nadaafadda Ilkaha

Caleenta geedka oo la karkariyo waxay ka qeybqaadataa iney shiirka afka hoos u dhigto, sidaad oo kale suuska ilkaha iyo mushkiladaha kale ee dhanka ilkahana daawo ayay ka tahay.

Goobjoog News