U bood dhigaalka

10 Musharrax Oo Baaq u Direy Baarlamaanka Federaalka

Sheeko:Baarlamaanka

Toban Musharrax oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxay fariin ugu direen guddoonka KMG aqalka hoose ee baarlamaanka iyo sidoo  kale xildhibaannada Labada aqal.

Qodobada ay soo jeediyeen waxaa kamid ah:

In hoggaanka dalka uu la wareegi baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

In baarlamaanka baabi’iyo wax walba oo aan dastuurka ku jirin oo ay madashu horey u go’aamisey

In guddoonka KMG ah ee baarlamaanka federaalka ay u sinnaadaan musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha oo aysan ku milmin madaxda xilku ka dhammaada

In xubnaha 24-ka ah ee ay doorashadoodu dacwaduhu ka taagan yihiin aysan ka qeybgalin doorashooyinka guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Musharraxiintaan ayaa soo jeediyey qodobo kale oo dhowr ah kuna saabsan arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale qaabka loo wajahayo.

Halkaan hoose ka akhriso War-saxaafadeedka

8

81

82

Goobjoog News