U bood dhigaalka

10 Qof Oo Ku Geeriyootey Dagaal Ka Dhacay Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa maanta ka dhacay deegaanno kamid ah gobolka Shabellaha Hoose.

Deegaanka Bariirre waxaa ka dhacay dagaal xooggan, waxaana uu ku bilowday kadib markii ciidamada Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen deegaankaasi oo si nabad ah ay ula wareegeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

Inta la xaqiijiyey 10 ruux oo shacab iyo dhinacyadii dagaallamay isugu jira ayaa dagaalkaasi ku dhintay, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in Labada dhinac ay isku adeegsadeen hub culus.

Dhanka kale, ciidamada dowladda Federaalka ayaa saakay waxay la wareegeen deegaanka Jannaale ee Shabellaha Hoose, balse saacado ay halkaasi joogeen kadib, dib ayeey uga soo laabteen.

Dadkii ugu badnaa ayaa isaga barakacay deegaannada Jannaale iyo Bariirre, iyadoo weli xiisad ay ka taagan tahay deegaanka Bariire.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee hoggaaminaya howlgalladan weli wax faah faahin ah kama aanay bixin.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News