U bood dhigaalka

10 Qowmiyadda Oromada Ah oo Ku Dhimatay Somaliland

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Berbera ee Somaliland ayaa sheegay in maanta shil gaari uu ka dhacay duleedka magalada, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari meel u dhow bar koontaroolka oo ku taalla duleedka magaalada.

Gawaarida isku dhacay ayaa ahaa mid kuwa qaadka, oo siday dad u badnaa qoomiyadda Oromada kuwaas la soo anbabaxay dalka Itoobiya kuna siijeeday magalada Boosaaso ee Puntland oo ay doonayeen in ay ka sii tahriibaan iyo gaari kuwa raaxada ah ee loo yaqaanno Noha oo ka dhex shaqeeya magaalooyinka kala duwan ee Somaliland.

Shilkan gaari ee ka dhacay duleedka Berbera ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan Inta la xaqiijiyay ilaa 10 ruux ayaa ku geeriyootay kuwaas oo badan dadkii Oramadii tahriibayaasha ahaa, sidoo kale waxaa uu dhaawacyo kala duwan uu soo gaaray ilaa 14 ruux kuwaas oo hadda lagu baxnaaninayo Isbitaalka magaalada Berbera.
Shilalka gawaarida ee ku soo noqnoqda wadadaan ayaa waxaa dhibaato ay ka soo gaartaa dadka shacabka ah iyo gawaarida xamuulka ah ee ku safra wadada ayadoo ay ugu wacan tahay in mararka qaar ay dhacdo in darawaladu si xowliya ay ku kaxeeyaan taas oo keenta inuu marka danbe ay adkaato inuu xajiyo gaariga waxaana ay sababtaa inuu shil galo ama uu rogmado.

Goobjoog News