U bood dhigaalka

10 Ruux Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootey Degmada Buuhoodle, Togdheer

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaanaya degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof oo uu soo ritey cudurka shuban biyoodka.

Cudurkaan oo Todobaad kahor ka dilaacay degmadaasi, ayaa wararku waxay sheegayaan in dadkaasi ay ku dhinteen isbitaalka guud ee degmadaasi, waxaana dadka dhintay 5 kamid ah ay yihiin Carruur.

Dr Maxamuud Axmed, oo kamid ah dhaqaatiirta ka howlgala Isbitaalka guud ee degmada Buuhoodle ayaa u sheegay Goobjoog News, in ay jiraan dad badan oo xaaladoodu aad u liidato.

Waxa uu tilmaamay dhaqtarku in habeen iyo maalin ay la tacaalayaan dadka uu soo ritey xanuunkaan, isaga oo tirada dadka hadda la daweynayo ku sheegay in ka badan 35 ruux.

Cudurka shuban biyoodka ayaa sidan oo kale uga dilaacay deegaanno badan oo dalka ah, waxaana loo sababeynayaa abaarta dalka ka jirta iyo dadka oo cabaya biyo aan nadiif ahayn.

Goobjoog News