U bood dhigaalka

10 Sano Kadib Abaartii Ugu Darneyd Oo Ku Habsatay Deegaanno Ka Tirsan Somaliland

Sheeko:Dalka

Deegaanno Ka tirsanSomaliland waxaa bilihii ugu dambeeyay ka jiray abaar xooggan oo sameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Hay’adda Somaliland u qaabilsan arrimaha maareynta musiibooyinka dabiiciga ah waxay ku sheegtay inay yihiin kuwii ugu darnaa ee soo mara muddo 11 sano ah.

Meelaha sida daran ay u saameeyn waxaa ka mid ah deegaannada hoosyimaada gobalka Awdal, sida deegaanka C/qaadir oo 130-km dhanka waqooyi ka xiga magaalada Boorama.

Deegaankaasi waxaa ka hayaamay dadkii halkaasi deganaa intoodii awoodda lahayd, iyadoo gudoomiyaha deegaankaasi uu ku qiyaasay inta qoys ee halkaasi ka hayaantay 500 oo qoys.

Dadkaasi ayaa dhammaantood u guuray deegaanno waqooyiga ka xiga oo roobku kaga dambeeyay, waxaana dadkaasi ka dhintay intii ay halkaasi usii socdeen xoolihii ay haysteen badankoodii.

“Abaaruhu si xooggan bay inoo qabsadeen, geel iyo wax walbo oo xoolo ah way dhamaadeen, xaaladdu aad bay dadka ugu xun tahay, meel cunno laga cunana ma jirto” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka ay abaartu ku waxyeelaysay deegaannada Somaliland.

Saraakiil ka tirsan hay’adda maareeynta musiibooyinka dabiiciga ah oo deegaannadaasi booqday waxay Goobjoog u sheegeen in deegaannada ay sii mareen ay ku arkeen dadkii oo waddooyinka dhinac taagan kuwaas oo sugaya gaadiid ay weydiistaan Biyo ay cabaan, waxaana dadkaasi qaarkoo la joogeen xoolo balse wey isaga soo tageen xoolahooda oo naftooda ayeey isla soo taageen wadada dhinaceeda si ay biyo u helaan.

Dadku ay abaartu saameysay ee u warammay mas’uuliyiin ka tirsan hay’ado gargaar halkaasi gaarsiiyay ayaa sheegay in abaartu saameyn ku yeelatay dugaagga iyo duurjoogtaba, waxaana dadka ay sidoo kale sheegeen in xoolihii ay ka dhammaadeen abaarta awgeed.

Xaliimo Cabdi waa hooyo 5 caruur ah dhashay, kuna nool deegaan hoosyimaada magaalada Boorama, waxay ahayd xoolo dhaqato leh 200 oo neef, maantana ma haysato Hal neef, iyadoo geed hoos fadhida ayeey xaaladeeda sidaan ku sheegtay.

“Waan dhimanay, abaar baa na haysa, waxaan biyo darsanno waan weynay, waxaan ku guurno waan weynay, waxaan baad kusoo qaadanno waan weynay, arigii wuu naga dhammaaday, waxaan magaallada ka geysanno waan ka weynay, waxaan ka mudanno waan ka weynay, waxaan ka maalno waan ka weynnay, waxaan ka cunno wuu beelay, abaar baa doorisay, aafadu aad bay noo saameysay, wixii aad nagu gargaari kartiin nagu gargaara, biyaha ayaa noogu daran, baadkana sidoo kale” ayeey tiri Xaliimo Cabdi.

Abaartu markii ay dhacday reeraha qaar waxay ka guureen caruurtoodii goobta loo guurayo oo fog awgeed.

Mustafa Maxamed waa 14 sano jir ka mid ah caruurtaasi laga tagay ee ku nool tuullada C/qaadir, waxa uu Goobjoog News u sheegay in reerkiisa uga tageen abaarta jirta awgeed, uuna la joogo dad iyaguba xaaladoodu ay liidato.

Xaddiga abaarta oo sababtay dhimashada dad lagu qiyaasay 9 qof waqtiyada kala duwan oo reer guuraa ahaa kuna noolaa deegaannada Saylac kuna la’deen kumanaan xoolo ah ayaa 30 kii maalin ee ugu dambeeyay waxaa la gaarsiiyay deeqo kala duwan oo raashiin ah.

Xukuumadda Siilaanyo ayaa guddi u gurmada abaarahan magacawday, waxaana kullan ay isugu yimaadeen guddigaasi ka codsadeen dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale cid walba oo wax awoodda inay u gurmato dadkaasi.

Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah culimada magaalada Hargeysa, islamarkaana ka tirsan guddigan ayaa ku baaqay in cid walbo oo wax haysata ay dadkaasi u gurmato.

Guud ahaan dadka ku dhaqan deegaannada Somaliland ee abaartuku dhufatay waa kuwo hadda u baahan gurmad rasmi ah, waxaana macquul ah in hadii dadkani aanay gurmad helin ay halis badani gasho naftooda.

Goobjoog News