U bood dhigaalka

10 Xildhibaan Oo Codsaday In Laga Doodo Heshiisyadii uu Maamulka Farmaajo La Galay Dalalka Shisheeye

Sheeko:Baarlamaanka

Xubno 10 ah, oo ka tirsan xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta guddoonka u gudbiyey qoraal ay ku dalbanayaan in la furo dood ku saabsan heshiisyada iyo isafgaradkii lala galay dalalka Shisheeye intii uu joogay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo gaar ahaan kuwii lala galay dalalka Eritrea iyo Itoobiya.

Qodobbada ay soo qaateen in laga doodo waxaa ka mid ahaa: 

1. Heshiisyadii iyo isafgaradkii lala galay dalalka Shisheeye intii uu talada hayey madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo

2. Joogitaanka iyo keennidda ciidamo hor leh oo ka socda Eritrea iyo Itoobiya oo qeyb ka ah heshiiska la sheegay lagu mideynayo saddexda dal.

3. Cawaaqibka siyaasadeed ee ka iman kara marti-gelinta shirka saddex geesoodka ah ee lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho iyada oo aan umadda loo soo bandhigin waxa lagu heshiiyey isla markaana anaey walaalaha Djibouti qeyb ka aheyn.

Hadaba Halkan Ka Akhriso, Qoraalka Iyo Magacyada 10-ka Xildhibaan: