U bood dhigaalka

40 Qof Oo Muhaajiriin Ah Oo Dooni Ay Kula Degtay Xeebaha Yeman

Sheeko:Dalka

Hay’adda socdaalka aduunka International Organization for Migration “IOM” ayaa sheegtay in 40 qof oo muhaajiriin ah ay dhinteen maalintii arbacada aheyd, ka dib markii doon ay saarnaayeen ay kula maashootay xiibaha Yeman.

Hay’adda ayaa barteeda Twitterka waxaa ay ku sheegtay in ku dhowaad doon sidda 100 qof kana timid geeska Afrika ay arbacadii shalay aheyd doonta kula degtay xeebaha dalka Yeman.

Waxaa ay intaas ku dartay in 40 ka mid ah dadkaasi ay dhinteen halka 16 kalana la weysanyahay.

IOM waxaa ay hoosta ka xariiqday 39 ka mid ah dadka ka bad baaday dhacdadaan ay u fidiyeen gurmad iyada oo hay’adda ay siisay kaalmooyin caafimaad biyo iyo cunto.

Goobjoog News