U bood dhigaalka

“100% Waxa Aan Ku Kalsoon Nahay Aqoonta Iyo Qibrada DR. Yuusuf Muxidiin Axmed”Cumar Xaaji Axmed

Sheeko:Cayaaraha

Horaantii bishan Febraayo 2019 Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa shaaciyay in xog-hayahooda cusub ee afarta sano ee soo aadan ay u magacaabeen DR Yuusuf Muxidiin oo ah aqoonyahan dhalinyaro ah.

“Tan iyo markii aan ku soo laabanay xafiisyada shaqada waxa aan xooga saarnay in aan fursado shaqo siino dhlinyarada wax ku bartay gudaha dalka aniga oo wakiil ka ah xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta waxa aan ku kalsoonahay aqoonta iyo qibrada DR Yuusuf Muxidiin”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay guddomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab.

Cumar Xaaji Axmed oo mudo dheer ay saaxiibo ahaayeenn DR.Yuusuf Muxidiin ayaa xiriirka kubbadda cagta ku amaanay  xulshada iyo xilka ay u magacaabeyn wuxuuna intaa ku daray in ay ka sugayaan in uu la yimaado wax qabad muuqda si kubbadda cagta Soomaaliya meesha iminka joogto ay ka sii horomarto.

“Isboortiga waa is-dhaxgal bulsho anigana waxa aan ka mid ahay dhalinyarada Soomaaliyeed waan u mahad celinaynaa madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda waxa aan ku da’daalayaa in aan  xafiiskan kaga tago taariikh weyn” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay DR Yuusuf Muxidiin Axmed oo xog-hayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta.

Bahda ciyaaraha Soomaaliya ayaa aad u soo dhaweeyay magaacibada xog-hayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed Yuusuf Muxiidin Axmed,iyagoo sheegeyn in ay ka sugayaan In uu la yimaado fur furnaan iyo talaabooyin horomarineyd.

Halka Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Xog-hayaha Cusub Ee Xiriirka Kubbadda Cagta

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/242344956716961/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle