U bood dhigaalka

Mareykanka: Dhimista Ciidankeenna Ma Saameyn Doonto Soomaaliya.

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa General Thomas D Waldhauser ayaa sheegay in qorshaha Mareykanku ku doonayo inuu dhimo ciidankiisa qaaradda jooga aysan saameyn ku yeelan doonin hawl-gallada lagula dagaallamayo argagixisada ku sugan waddamada Soomaaliya iyo Liibiya halkaasoo duqeymaha Mareykanku ku beegsado kooxahaas.

General Thomas D Waldhauser, oo sidoo kale ah madaxa taliska Mareykanka ee Africa ayaa ka dhawaajiyey in 300 oo askari la dhimi doono bisha June ee sannadka 2020 oo ah wajiga 1aad ee ciidan dhimista isagoo intaas ku daray inuusan hubin wajiga 2aad ee ciidan dhimista.

Wasaaradda Gashaandhigga ee Pentagonka ayaa ku baaqday dhimista ciidanka Mareykanka ee Africa qeybna ka ah qorsheyaasha dib diiradda loogu saarayo tartanka quwadaha waaweyn ee Ruusha iyo China lagula jiro.

Laakiin dhimista ciidamada ayaa dhalisay walaac ay ka muujiyeen xubnaha congresska Mareykanka kuwaasoo su’aal ka keenay inay arrintani keeni karto koror argagixiso oo qaaradda kasoo if-baxa.

Waldhauser ayaa u sheegay sharci-dejiyaasha in saraakiisha Mareykanku ay si hoose u eegayaan saameyn kasta oo suurtagal ah ee isbeddelkani keeni karo, isagoo ku celceliyey in dib loo dhigayo ciidan dhimis mustaqbalka ah haddii ay dhibaato noqoto wejigaan 1aad.

Qiyaastii ciidanka Mareykanka ee jooga qaaradda Africa ayaa lagu sheegay 6,000 oo askari iyadoo ciidankaas 4,000 oo ka mid ah ay ku sugan yihiin saldhigga Mareykanku ku leeyahay dalka Djibouti. Qiyaas ahaan ciidanka Mareykan ee jooga Soomaaliya waa 500 oo askari halkaasoo ciidanka Mareykanku ay kordhiyeen duqeynta xagga cirka ah ee lagu beegsanayo xarrakada Alshabaab oo xiriirka la leh ururka Alqaeda waana ururka hadda ka geysta gobolka qasaaraha ugu ba’an.

Horraantii sannadkan, Mareykanku waxay ku qaadeen Alshabaab 24 weerar oo xagga cirka ah—horey waxay Mareykanku u fuliyeen in ka badan kala bar weerarro xagga cirka ah sannadkii hore. Taliska Mareykanka ee Africa waxay sheegeen in duqeymaha Mareykanka ay ku qaadeen Alshabaab ay uga dileen 236 dagaalyahan. Waxaa Iyana jirta ku dhawaad 338 dagaalyahan oo la dilay 2018.