U bood dhigaalka

101 Kufsi ayaa Sannadkan 2018 ka Dhacay Guud ahaan Somaliland

Sheeko:Caafimaadka

Ciidamada booliska Somaliland ayaa maanta soo bandhigay tirakoobka falal-dambiyeedyadii sannadkan (2018) ka dhacay guud ahaan Somaliland iyo tirada dilalka ka dhacay.

Ilaa 19,664 dhacdo ayaa la sheegay inay ka dhaceen guud ahaan Somaliland sannadkan 2018-ka, kuwaasi 61 kamid ah ay yihiin Dil, halka 101 kamid ah dambiyadaasna ay yihiin Kufsiyo.

Falalka dilka ayaa loo qabtay 55 eedaysane halka la raadinayo 5 ruux oo kale, sidoo kale falalka kufsiga ayaa loo qabtay 87 eedaysane hase ahaatee waxaa ku eedaysan falalka kufsiga 105 ruux kuwaasi oo uu ku jiro kufsi wadareed.

Falalka kufsiyada ayaa hoos u dhacay marka la barbar dhigo sannadkii hore iyadoo ay sannadkii hore dhaceen 108 kufsi sida ay boolisku sheegeen.

Dhinaca kale, boolisku waxay sheegeen in sannadkan ay Somaliland ka dhaceen 3,457 shil kuwaasi oo ay ku dhinteen 161 ruux waxaana ku dhaawacmay 2,255 ruux.

Booliska Somaliland ayaa  xusayay sannad guuradii 25aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidankaasi.

Goobjoog News