U bood dhigaalka

11 Ka Mid Kuraasta Aqalka Hoose Ee Somaliland Oo Jimcaha Muqdisho Lagu Dooran-doono, Beelaha La Sugayo..

Sheeko:Dalka

Waxaa Muqdisho berri oo Jimce ah, Taariikhda ku began tahay 09-Decmber-2016-ka ka dhici doona doorashada aqalka hoose ee Somaliland.

Waa maalintii 2-aad ee la qabto doorashada Somaliland, iyadoo la dooran doono ilaa 11 kursi oo ka mid ah 46 Xildhibaan ee la sugayo aqalka hoose ee Somaliland.

Hadaba, guddiga doorashada dadban ee Somaliland waxaa ay ku wargelinayaan in dhamaan musharaxiinta kuraasta soo socota in sida ugu dhaqsiyaha badan ay isu soo diiwaan galiyaan.

  1. Beelaha Arab (Abaddala arab, Abadalla Muuse iyo Maxamed Fanax) waxaa ay dooran doonaan hal(1) kursi
  1. Beesha Cidagale (Dhamal Adan iyo Abokar Muuse) waxa ay ku tartami doonaan labo(2) kursi
  1. Beesha Habar Jeclo (Muuse Abokar) waxaa ay ku tartami doonaan labo (2) kursi
  1. Beesha Habar Yonis (Cabdalla Ismaaciil) waxaa ay ku tartami doonaan hal (1) kursi
  1. Beesha Habar Yonis ( Ali Saciid iyo Isxaaq) waxaa ay ku tartami doonaan labo (2) kursi
  1. Beesha Samaroon (Makaahiil) waxaa ay ku tartami doonaan seddex (3) kursi

Goobjoog News